Diyaaraddii sidday Fahad oo dib ugu laabatay Istanbul

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaraddii Turkish Airlines ee siday la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo xubno kale ayaa goor dhow ka duushay magaalada Jabuuti ayada oo kusii jeeda magaalada Istanbul oo ay markii hore ka timid.

Laabashada duulimaadkan, oo lambarkiisu yahay TK687, ayaa timid saacado kadib markii dowladda Jabuuti ay sheegtay in diyaaraddaas ay ku laaban doonto Istanbul.

“Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” waxaa sidaas galabta yiri wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti yiri Maxamuud Cali Yuusuf

Sababta ay maanta diyaaraddaas u iman weyday Muqdisho, oo laga filayey ayaa weli waxaa ka jira warar is-khilaafksan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri, shirkadda Turkish Airlines.

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xaqiiqda ah in diyaaradda ay ku laabatay Istanbul ayaa muujineysa in loo diido inay timaado Muqdisho, ayada oo sidada Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”