Dowladda Jabuuti oo war rasmi ah kasoo saartay arrinta Fahad iyo diyaaradii baaqatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah kasoo saartay wixii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Jabuuti, xilli ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay xanibtay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in sababta aysan maanta Jabuuti uga soo bixin diyaaradda Turkish Airlines ay tahay cilad farsamo, sida ay sheegtay, buu yiri shirkadda Turkish Airlines.

“Mid ka mid ah duuliyayaasha wuxuu haystay fasax gaar oo ah inay soo caga dhigan karto Muqdisho,” ayuu yiri Wasiirka, oo tixaraacaya wararka sheegaya in hay’adaha amniga Soomaaliya ay diideen in diyaarad sidda Fahad aysan iman karin Muqdisho.

“Dhammaan rakaabka saaran duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho waxay ku laaban doonaan Istanbul, si ay usoo raacaan duulimaad kale oo ku wajahan Muqdisho,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf. Dadka duulimaadka saaran ayaa gaaray 40 qof, waxaana ka mid ah Fahad Yaasiin.

Wasiirka ayaa sheegaya in wararka kale ee arrintan la xiriira ay yihiin kuwa been abuur ah oo lagu sameynayo jahwareer, islamarkaana Jabuuti lugaha loogu gelinayo xasaradda iyo khilaafka gudaha Soomaaliya. 

“Waxaan garab taagnaan doonaan walaalaheen Soomaaliya, hase yeeshee marnaba ma faro-gelin doonni arrimahooda gudaha,” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Jabuuti inay xannibtay Fahad Yaasiin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in hay’adaha amniga Soomaaliya ay ku amreen diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.