Hay’adaha Amniga DF oo amray diyaaradaha inaysan Fahad keeni karin Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa ku amray diyaaradaha caalamiga ah inaysan Muqdisho keeni karin agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo hadda ku xayiran Jabuuti, waxaa sidaas sheegay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Hay’adaha amniga ayaa ku eedeeyey Fahad inuu Muqdisho ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo ammaanka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Garoonka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu arkay ciidan ka tirsan Nabad-Sugidda, oo sida la sheegay taageersan Fahad, taasi oo dhalisay shakiga ku saabsan imaatinka Fahad, kuna qasabtay hay’adaha amniga inay bixiyaan amarka ah inaan lasoo qaadi karin Fahad.

Fahad Yaasiin, oo ay la socdeen 40 qof, ayaa lagu xayiray Jabuuti kadib markii diyaaradda Turkish Airlines ay heshay amarka ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Si kastaba, sarkaal u hadlay Dowladda Jabuuti ayaa VOA u sheegay inaysan u ogolaan karin Fahad iyo wafdigiisa inay Muqdisho u safraan, maadaama uu amar kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sarkaal oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdisho ay ku celin doonaa halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.