FAHAD oo lagu xannibay garoonka JABUUTI iyo Villa Somalia oo war kasoo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhow xaqiijisay in agaasimihii hore ee Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmajao, lagu xannibay garoonka diyaraadaha Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

“La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maanta uu baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Airlines ku imaan laheyd magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, taasi oo ku hakatay Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabad-Sugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in diyaaradda Turkish Airlines uu saaran yahay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Airlines ay ka cabsatay inuu khalalaase ka dhasho duulimaadkeeda, sidaas darteedna ay u baajisay.