Duulimaadkii Turkish Airlines oo baaqday iyo ciidan lagu arkay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta baaqday duuliimaadkii ay diyaaradda Turkish Airlines ku imaan laheyd magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayada oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta, xilli diyaaradda ay ku hakatay Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa saaka lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Nabad-Sugidda, waxayna taas keentay shaki ku aadan in diyaaradda Turkish Airlines uu saaran yahay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasi oo ay dacwad ka taalo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo saraakiisha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa sheegaya in Shirkadda Turkish Airlines ay ka cabsatay inuu khalalaase ka dhasho duulimaadkeeda maanta oo la rumeysan yahay inuu saaran yahay Fahad Yaasiin.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale soo gaaray ciidamo kale oo loo maleenayo inay kasoo horjeedaan in Fahad Yaasiin uu yimaado Muqdisho, taasoo cabsi ku abuurtay Shirkadda Turkish Airlines.

Sababta diyaaradda Turkish ugu hakatay Garoonka Jabuuti ayaa lagu sheegay qalalaase laga cabsi qabo inuu garoonka ka dhaco, markii Maamulka Shirkadda Turkish iyagana ogaadeen ciidanka soo galay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Fahad Yaasiin Xaaj Dahir ayaa qorsheenaya inuu soo raaco Diyaaradda Qatar Airways oo gelinka dambe ee maanta imaaneyso Magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu Maanta Muqdisho u imanayo si uu Berri uga qeybgalo shir la qorsheenayo inuu yeesho golaha Amniga Qaranka, taasoo lagu sheegay in lagu soo bandhigayo Kiiska Ikraan Tahliil.

Khilaafka Madaxweynaha muddo xilleedkisiu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta ayaa cirka isku shareeray waxaana laga cabsi qabaa in saameyn weyn ku yeelato guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha xiisadda ka taagan garoonka Aadan Cadde kala soco wararkeena dambe Inshaa Allah.