Baashiir Raage Shiiraar oo geeriyooday (Taariikh kooban)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta ku geeriyooday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ganacsadaha caanka ahaa ee Bashiir Raage Shiiraar oo aad looga yaqaan caasimadda iyo guud ahaan Soomaaliya.

Bashiir Raage ayaa la sheegay inuu geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka tirsan eheladiisa.

Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ku dhashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho labo sano kadib xorriyaddii, waa sanadkii 1962-dii.

Bashiir, waxaa uu wax ka bartey dugsiga hoose/dhexe Wardhiigley halka dugsi sare sanadkii 1979-kii ka dhameeyay dugsiga sare ee 15 May.

Bashiir Raage, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade, shaqooyinkii ugu muhiimsanaa waxaa uu sheegayaa iney tahay inuu ahaa ganacsade isagoo ahaa aasaasaha iyo milkiilaha shirkadda Kamel Logistics, waxaa kaloo uu dhisey muddadii dagaallada sokeeye garoonka diyaaradaha Cisiley oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Bashiir Raage Shiiraar, waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedkii la dagaaley Maxaakiimta Islaamiga, waxaa uu noqday 2016-kii musharax madaxweyne Soomaaliya.