Farmaajo oo qoraalkii uu soo saaray ‘ku qiray’ in dagaalka ROOBLE looga adkaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu ku sheegay inuu ku hakiyey awoodaha ra’iisul wasaare Rooble waxay xog weyn ka bixisay halka uu marayo dagaalkooda.

Waxaa warqadda ku jirta jumlad uu Farmaajo ku muujiyey in dagaalka looga adkaanayo, welibana halka ugu muhiimsan oo ah maamulka dhaqaalaha dowladda.

Farmaajo ayaa jumladdaas ku yiri “Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qeylo dhaanta Farmaajo ayaa la xiriirta xog aan saaka hore daabacnay oo aheyd in wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu maamulka maaliyadda hay’adda NISA ku wareejiyey agaasimaha uu ra’iisul wasaare Rooble magacaabay, Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”.

Ayada oo xilka agaasinka NISA ay ku loolamayeen Bashiir Goobe iyo Yaasiin Farey oo uu magacaabay Farmaajo, ayaa u gacan-gelinta maamulka maaliyadda hay’adda ee Bashiir Goobe waxay ka dhigan tahay in loolanka uu isaga ku adkaaday.

Waxay tani sidoo kale keeni doontaa in ciidamada Duufaan ee NISA oo Farmaajo taageersan aysan helin mushahar haddii aysan soo raacin ciidanka kale, si la mid ahna saraakiisha sare iyo hoggaanka ciidanka hay’adda.

Halka uu Farmaajo ku leeyahay “awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood,” waxaa sida aan ogaanay loola jeedaa hay’adaha maaliyadda dalka sida wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe oo ayagana taabacsan ra’iisul wasaaraha.

Rooble ayaa toddobaadkii tegay soo saaray amar uu hay’adahaas ku faray in lacag uusan isaga saxiixin aan la bixin karin, taasi oo ay u hoggaansameen maalin kadib markii uu kulan la yeeshay.

Sidaas darteed, Jumladdaas ku jirtay qoraalka Farmaajo, waxay muujisay in Rooble uu gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha dowladda, waana taas sababta Farmaajo u carooday ee uu warqad kale oo wiifto ah usoo saaray.