Video: Musharaxiin ‘dil loogu hanjabay’ oo kasoo cararay Jowhar – Yaa ka dambeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku sii shareereysa cabashada qaar ka mid ah musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee aan weli la dooran ee HirShabeelle, gaar ahaan kuraasta beelaha ka soo jeeda gobolka Hiiraan, sida Xawaadle iyo Jijeelle.

Cusmaan Axmed Macow oo afartii sano ee la soo dhaafay Aqalka Sare ku metelayey beesha Jijeele iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur oo sanadkaan u tartamaya kursigaas ayaa warbaahinta u sheegay inay isaga soo carareen magaalada Jowhar, kadib markii dil loogu hanjabay.

Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in Jowhar ay isaga soo carareen, kadib markii dil loogu hanjabay isaga iyo Cusmaan Axmed Macow oo kursigaas beesha Jijeelle ku metelaayey afartii sano ee la soo dhaafay.

Cabdinuur ayaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan Cusmaan ku eedeeyey in musharaxa sedaxaad ee kursiga beeshooda oo ah Xasan Iidow Maxamed (Xasan Kobac) uu la rabo in loo xiro kursigaas, isagoo fulinaya amarka Fahad Yaasiin, sida uu sheegay.

Sidoo kale Musharax Cabdinuur Ibraahim waxa uu sheegay in guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan uu si toos ah dil ugu hanjabay isaga iyo musharaxa kale Cusmaan Axmed Macow, taas oo keentay in diyaarad khaas ah ay ka soo raacaan Jowhar oo Muqdisho ay soo galaan.

“Waxaa nasoo wacay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka HirShabeelle Mahad Xasan Cusmaan waxuu nagu yiri ka hara kursigaas, Xasan Kobac ayaa loo wadaa, arrintaan madaxweynaha ayaa ila og, waxiina ayaa la idiin celinaa, hadii aad diidaana, waxaa dhaceysa in la idin khaarajiyo,” ayuu yiri Musharax Cabdinuur Ibraahim Nuur.

Musharaxiintaan ayaa ugu baaqay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe inuu kahiyo doorashada kursiga beeshooda, ilaa inta ay ka helayaan damaanad buuxda oo u saamixi karta, inay dib ugu laabtaan Jowhar oo tartanka ay ka qeyb galaan.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Jowhar ay ka bilaabato doorashada 4-ta kursi ee xubnaha ka haray senatorrada Aqalka Sare kasoo gelaya HirShabeelle, waxaana sidoo kale jirta xog aan helnay oo sheegeysa in khilaaf iyo loolan adag uu wajahayo kursiga Aqalka Sare ee beesha Xawaadle.

Ilaa afar musharax ayaa ku tartameysa kursiga beesha Xawaadle, waxaana la sheegay in madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa iyo Yuusuf Dabageed ay kala wataan laba musharax oo isku mowqif aysan ka aheyn doorashada kursigaas, taas oo doorashada ku keeni karta loolan siyaasi ah iyo culeys hor leh.

Hoos ka daawo war-saxaafadeedka musharaxiinta ka soo carartay Jowhar