Mareykanka oo war kasoo saaray khilaafka ka dhex oogan Farmaajo iyo Rooble

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble inay deg deg u xaliyaan khilaafka iyo loolanka awoodeed ee u dhaxeeya ee faraha kasii baxaya.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in doorashooyinka ay muhiim u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa daba socdsay qoraal ay si wadajir ah shalay usoo saareen saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka sii socda ee Farmaajo iyo Rooble.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadeynta hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday.”