R/W Rooble la’aantiis ma qabsoomi karaa SHIRKA Golaha Amniga Qaranka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Xuseen Macalin Maxmuud oo horey u ahaa la-taliyihii dhanka amniga ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa wareysi uu siiyey BBCda kagag hadlay shirka amniga qaran ee ka dhacaya Muqdisho.

Xuseen Macalin ayaa shirkan ku tilmaamay mid qabyo ah, maadaama uu ka maqan-yahay ra’iisul wasaaraha oo uu xusay inuu muhiim u yahay shirkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay inuu yahay madaxa guud ee fulinta, ayna qasab tahay inuu goobjoog ah shirka.

“Shir uu ka maqan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka lama dhihi karo waa Golaha Amniga Qaranka, maadaama ay dowladdu kala qaybsan tahay lama garanayo sida loo kala qaybsan yahay” ayuu wareysigan ku yiri Mudane Xuseen Macalin Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka laga soo tago ra’iisul wasaaraha ay sidoo kale qabsoomida shirkan ay muhiim u yihiin wasiirada amniga, maaliyadda, gaashaandhigga, cadaaladda, arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Xuseen Macalin Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in golahan uusan heysan sharciyad baarlamaan, balse kaliya loogu tala-galay in go’aan looga gaaro arrimaha gaarka ah ee taabanayo amniga guud ee qaranka.

“Golaha amniga qaranka kama aanay gudbin baarlamaanka oo ma heysto sharciyad, balse waa talo soo jeedin oo keliya, waxa uu ku shaqeeyaa xeer jajab, waxaana looga talagalay in arrimaha gaarka ah ee taabanaya amniga qaranka in looga go’aan kaaro” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu hore u iclaamiyey qabsoomida shirka golaha amniga qaranka, kaas oo qorshihiisu ahaa inuu maanta ka furmo Muqdisho, balse waxaan weli caasimada soo gaarin xubnaha shirkaasi.

Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, iyada oo sidoo kale qorshuhu yahay in lagu soo bandhigayo warbixin ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax.