Xog: Sababta daahisay magacaabista golaha wasiirada cusub oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ugu dambeeya ee aanu kaheleyno xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in raysal wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed uu soo dhameystiray ururinta magacyada golaha wasiirada cusub iyadoo buuq uu ka taagan yahay jagooyinka iyo sida ay u kala qeybsanayaan beelaha xilalka ay ka heli doonaan xukuumadda cusub.

Raysal wasaaraha ayaa toddobaadkan oo kaliya waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay odayaal, ganacsato, dhalinyaro iyo xildhibaano qaarkood xilal doon yihiin kuwaasoo qaab waji aqoon iyo qaab qabiilba ugu tagaya raysal wasaaraha cusub si ay uga dhaadhiciyaan in mid kasta uu helo xilka beeshiisa kaga soo aadi doona xukuumadda cusub.

MADAXWEYNE XASAN IYO AFARTA WASIIR

Sida ilo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen , madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ku adkeysanaya in afar ka mid ah golaha wasiiradii xukuumaddii Raysal Wasaare Saacid Shirdoon lagu soo daro xukuumadda cusub, taasoo Raysal Wasaare C/weli Sheekh Axmed uusan daw u arkin.  Mar uu dhowaan Raysal wasaaruhu si cad uga hadlay arrimaha afarta wasiir wuxuu sheegay in haddii wasiiradii Saacid ay soo laabanayaan aanba loo baahdeen in la bedelo Cabdi Faarax Shirdoon.

Hadalka Raysal Wasaaraha ayaa dad badan ku fasireen mid uu ku samirsiinayo wasiirada Damu Jadiid ee madaxweynaha ka ag dhow ee weli rajada ka qaba inay xilalka ku soo laabtaan.

Wasiirada afarta ah ee madaxweynuhu wato ayaa ah illaa hadda caqabada ugu weyn ee dib u dhigeysa magacaabista xukuumada oo ay ahayd in lagu dhawaaqo ka hor bilawga bishan Jannaayo maadaama baarlamaanka uu fasax gelayo usbuuca dambe, kalfadhigana la xirayo.

Dalabka madaxweynaha ee afarta wasiir ayaa sidoo kale saameeyay beelaha qaarkood oo halkii ay shakhsiyaad kale ka keensadeen lagu wargeliyey in madaxtooyadu ay taageersan tahay wasiirkii hore, taasoo buuq iyo qeylo ka dhex abuurtay qabiilada dhexdooda.

QABIILADA IYO WASIIRADA DAMU JADIID

Maalin kasta waxaa hotelada Muqdisho ka dhaca kulamo ay yeelanayaan qabiilo isku heysta cida u geli doonta xukuumadda, tiiyoo ay dheer tahay in madaxtooyada shakjsi beeshaasi ka soo jeeda ay taageereyso.

Wasiirada loolanka adag ku jira ee xilkooda khilaafka abuuray waxaa ka mid ah C/kariin Xuseen Guuleed oo raba inuu markale soo laabto, madaxweynuhuna taageersan yahay.

Labo kulan oo iska soo horjeeda oo beesha C/kariin uu ka dhashay ay yeelatay ayaa midna isaga lagu taageeray halka midka labaadna lagu diiday inuu beesha wasiir u noqdo C/kariin Guuleed oo ay beeshiisu ku eedeysay sidii uu u maareeyay xarigii Xasan Daahir Aweys iyo dadkii laga barakiciyey guryihii dawlada ee Muqdisho.

Wasiirada kale ee har iyo habeen taagaan Villa Soomaaliya waxaa ka mid ah Wasiir Maryan Qaasim, Wasiir C/xakiin Fiqi, Wasiir Faarax C/qaadir, Wasiir Maxamed Nuur Gacal.  Dhammaantood waxay ka rajo qabaan in madaxweynuhu ku guuleysto in qaar iyaga ka mid ah ay xilalka ku soo laabtaan ama wasaarado kale loo dhiibo.

Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweynuhu ku qanciyey Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan (oo hadda ah wasiirka dibadda) in loo wareejiyo wasaarad kale maadaama wasaaradaha dawlada ay ka badnaan doonaan kuwii hore.   Wasiir Fawsiya oo taasi u muuqata inay ku qanacday ayaa toddobaadkan gudiuhiisa xaflad ka dhacday xarunta wasaaradda ee Muqdisho waxay sagootisay shaqaalihii wasaaradda arrimaha dibadda iyadoo u sheegtay inay la shaqeyn doonto haddii markale xilka loo soo magacaabo.

Inkastoo dad badan ay qabaan in Fawsiyo Yuusuf shaqadeeda si hufan uga soo baxday mudaddii ay joogtay wasaaradda ayaa haddana waxaa sababaha bedelaadeeda loo aaneynayaa in rag badan oo beesheeda ka soo jeeda ay lugta lugta u saareen, waxaana raggaasi ka mid ah Ismaaciil Buubaa iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil  oo labaduba xilka wasaaradda uga soo qabtay dawladihii ku-meelgaarka ahaa.

Si kastaba wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saacado kaliya ay naga xigto waqtiga uu Raysal Wasaaruhu shaaca ka qaadi doono liiska wasiiradiisa haddiiba isheysadka isaga iyo madaxweynaha u dhexeeya ee ku aadan“afarta wasiir” ay isku fahmaan.

Isha: RBC Radio