R/W oo shuruudo ku xiray xubnaha uu magacaabayo iyo xog dheeri ah

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo Wareedyo kala duwan oo ku dhowdhow Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed in uu maanta ama berri ku dhawaaqi doono golaha wasiirada cusub ee xukuumadiisa.

Waxaa la sheegay in golaha wasiirada cusub ay ka koobnaan doonaan tiradooda ilaa 25-wasiir iyo ku xigeeno, waxaana loo badinayaa in ay ahaan doono wajiyo cusub balse siyaasadda Soomaaliya ku dhex jiray 21-kii sanno ee la soo dhaafay.

Xubnaha cusub qaar kood waxa ay ka soo galeen dhinaca baarlamaanka si ay kasta oo meesha ay ku yimaadeen sidaas waxaa noo sheegay mid ka mid ah ilaha warkan aan ka helnay.

Ma soo loobaan doonaan wasiiradii horre?

Wax kasta waa ay dhici karaan, waayo ilaa hadda ra’iisal wasaaraha wuxu wadaa wadatashiyo iyo kulamo aan kala go’ lahayn waxaana ku lug leh arrimahaas madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in tiro xubnihii horre ee wasiiradda ay ku jiraan liiska cusub, ma cadda inta ay yihiin iyo shakhsiyaadka ay noqon doonaan.

Shuruud uu ra’iisal wasaaraha ku xiray golaha wasiiradda cusub?

Sida ay lee yihiin dadka warkan noo soo dusiyay, ra’iisal wasaaraha ayaa golaha wasiiradda cusub wuxuu u sheegay waa in ay kalsooni buuxda ka heestaan xildhibaannada ay isku beelaha yihiin ee ku jirra baarlamaanka iyo odayasha dhaqanka.

Haddii intaas kalsooni ay ka waayaan wasiiradda cusub ra’iisal wasaaraha wuxuu caddeeyay 25-ka wasiir iyo ku xiganadooda in aysan meesha isku ceebeen.

Si kastaba, la arki doonee sidda ay wax u dhacaan maanta ama berri oo la filayaayo in lagu dhawaaqo xubnaha wasiiradda cusub, iyadoo magaalada ay jirto guux ballaaran oo ku aadan magacaabista golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caaismada@live.com