Maxaa ka suura gal ah in dadka Bariga Afrika uu yeesha isu-socod furan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Isniinti ina dhaaftay waxaa Xamar lagu qabtay shir wadatashi oo ku saabsanaa sida lagu suuragalin karo helidda isu-socod furan oo ay helaan dadka dagan Bariga Afrika. Shirkaan ayaa wuxuu ku koobnaa kaliya waddamada IGAD ku midaysan oo ay Soomaaliya ku jirto.
Inta badan dadka soomaaliyeed iyo idaacadahaba sawir madow ayay ka bixiyeen qorshaha la wado. Waxaa aad looga dhawaajiyay in la midaynayo baasaborrada soomaaliya iyo Itoobiya. Taasoo ah cabsi na haysay tobanki sano ee lasoo dhaafay. Haddaba maxaa ka suura gal ah in la helo waddamada Bariga Afrika oo xuduudaha isu furo? Haddiise ay dhacdo yay dan ugu jirtaa?
Sodanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xowli ah ku socday dhisamaha xulufo goboleed. Qaarad walba waxaa laga dhisay urur ay waddamo koox ah ku middaysan yihiin. Afrika waxaa ka jiro IGAD, SADC, ECOWAS iyo kuwa kale. Aasiya waxaa ka jiro kuwa badan sida AFTA, Yurub iyo Amerikana waa la mid.
Dhammaan ururadaan waxaa loo sameeyay dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, waxaana ugu badan helidda suuq dhaqaale oo xor u ah hadba intaa ururkas ku midaysan. Tusaale, suuqa Midowga Yurub, waxaa u siman dhammaan 28 dal ee ku jiro ururkaas. Mid walba meesha uu rabo oo midowga ka mid ah ayuu u suuq gaysan karaa alaabtiisa isagoon wax canshuur ah la saarin. Gaariga Jarmal lagu sameeyo canshuur la’aan ayaa laga soo dajiyaa Ingiriis iyo Faransiis.
Waxaa sidoo kale, loo dhisaa ururadaas in la yareeyo xorriyad la’aanta shucuubta ku jirto ururkaas. Sida in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha ama la yereeyo. Si loo sahlo ganacsiga iyo waxbarashada la is dhaafsanayo.
Dhib ugu weyn ee xorriyada safarka waxay haysataa dadka Afrikaan ah xataa haddii ay isaga gooshayaan qaradda dhexdeeda. 54-ta dal ee Afrika ka kooban tahay 13 kaliya ayaa fiise la’aan la tagaa ama fiisaha garoonka laga qaataa. Inta kale, waxaa la maraa jid dheer iyo shuruudo adag. Waxa Kenya naga haysto ayaa tusaale kuugu filan.
Maxaa faaido ku jiro xorriyada isu-socodka?
 
Faaiidooyin badan ayaa dadka iyo dalalkaba ugu jiro xorriyadda safarka. Dadku waxay abuuraan dhaqaale. Haddii aad safarto dalka aad tagto waxaad geyn lacag tiro badan. Xorriyada isu-socodka ayaa sahasho inay waddamadu helaan shaqaalaha ay u baahanyihiin. Ingiriiska, matalan, 10% daqaatiirta ka shaqayso waxay ka yimaadeen Yurub. Waxaa sidoo kale kordho dal xiisayaasha oo ah kuwa lagacaha ugu badan geeyo waddamada kale.
Dadku waxay faaiidi inay si xor ah u aadi araan oogana shaqaysan karaan waddanki ay doonaan. Tusaale, haddi ay suura gasho in Bariga Afrika sida Yurub laga dhigo, qofka Soomaaliga ah wuxuu kala dooran karaa inuu ku noolaado Kenya, Itoobiya ama waddanki kale ee heshiiska ku jiro. Waxaa meesha ka bixi raadinta waraqaaha ogalaanshaha shaqooyin oo ah kuwo dhib badan laga maro, fiisaha waxbarashada loo dalbado, canshuuraha dheeriga ah ee laga qaado dadka yimaado waddamo kale ee ka shaqeeyo dal aysan dhalasho ka haysan iyo shuruudo kale oo tirabadan.
Maxaa dhib ah oo ka imaan karo?
 
Fikradda suuqa xorta ah waa mid muddo badan soo jiray. Asalkiisuna wuxuu kasoo jeedaa reer Galbeedka. Gaar ahaan waxaa addunka la marsiiyay 80aadki. Meel marinta suuqa xorta ah waxaa hormuud ka ahaa Maraykanka iyo Ingiriiska. Waqtigaas waxaa meel fiican gaaray dhaqaalahdooda. Waxay rabeen in helaan suuqyo ay ku iibiyaan alabaahooda iyagoon la kulmin shuroodo badan.
Qasab iyo juujuub ayay ku marsiiyeen adduunka oo dhan. Addunka intiisa badan waa uu ku qasaaray fikaraddaas Afrikaba ha ugu darnaatee. Laakiin waxaa ka faaiiday quwadihii soo baxay sida Shiinaha.
Manta waxaa caddaatay inaysan dan ugu jirin waddamadii keenay fikirka. Taas ayaa keentay inay labadii adduunka bartay sheekada suuqa xorta ah ay billaabaan suuqa xiran. Ingiriiska waa kan u codeeyay inuu Yurub ka baxo. Maraykanka waxa Taraam loo doortay inuu albaabada u xiro si aysan Shiine iyo Kuuriya ugu soo galin.
Sababta ay gadaal ugu baxeen ayaa ah inay fahmeen inay wax faaiido ah u qabin. Suuqa Yurub cidda ugu badan ee ka faaiiddo waa Jarmalka oo leh warshado badan oo wax soo saaro. Haddii aadan lahayn wax soo saar suuqa maxaad ku iibin?
Maraykanka waxaa suuqa ka saaray Shiinaha oo badeeco jaban keeno dalkiisa. Sida kaliya ee uu uga bixi karo ayaa noqotay inuu ganjeelka xirto. Innagoo taas ka cabbir qaadanayno, maxaan haysannaa oo aan geyn doonnaa suuqa Bariga Afrika? Sideen ula tartami karnaa waddamada Kenya iyo Itoobiya oo xirfad dhaqaale iyo wax soosaar ahaanba innaga horreeyo? Soo noqon mayno suuq wax loo soo iibgaysto kaliya ee aan waxba iibin?
Midda labaad ayaa ah xakamaynta dadka. Waxaan wada ognahay xaaladda uu dalkeennu ku jiro. War kama hayno cidda soo gasho iyo midda ka baxdo iyo kuwa ku nool shaqooyinka ay qabtaan. Waxaan kaloo ognahay in waddamada dariska nala ah ay damaaci weyn ka qabaan qaadashada qaar ka mid ah dhulkeenna. Side lagu koontarooli karaa dadka soo galayo dalka? Qalab yo nidaam toona lama hayo. Aqoon iyo xirfad midna uma lihin, dhaqaale lagu maamulana ma hayno. Marka soo daaftaa ka gal iyo waa danbe aan kugu qabsado noqon mayso?
Sababta ugu weyn ee Ingiriiska ku qasabtay inuu Yurub ka baxo ayaa ah in dad tiro dhaafay ay usoo guureen dalkiisa. Marki hore shuruudo ma uusan xiran sida Noorway. Dhaqaalihiisa fiican iyo dhaqanka dadka dagan oo ka furfuran Yurubta kale ayaa ka dhigtay meel qof walba ku noolaan karo. Taasi waxay keenaty in midki fahmi waayo waddankiisaba uu boorsada soo qaato. Ka dib, iskoolladi, isbitaalladi iyo dhammaan adeegyadi bulshada ayaa laga isu yimid. Markaas ayaa lagu baruurugay dhibka jiro lana fahmay in dalku buux dhaafay.
Dhibka sadexaad ayaa ah, in aanan hadda lahayn awood aan ku galno heshiis noocaan ah. Midowga Yurub muddo dheer ayaa laga shaqaynayay dhisiddiisa. Tobonnaan sano oo dhib ah ayuu qaatay in laga sal gaaro. Saas oo ay tahay ilaa hadda waxaa la wadaa sixiddii qaladaadki horay ooga dhacay. Heshiisyada noocaan ah dood badan, indha-faro iska galis iyo hujuum badan ayay rabaan.
Arrintaas waxay dhex mari kartaa dad siman awood ahaan ama isu dhow. Laakiin waqtiga lagu jiro waxaan la tacaalaynaa dhisadda dowlad iyo maamul. Waxaa dalkeenna u joogo inay na ilaaliyaan, sida ay sheegtaan, ciidamada waddamada aan heshiisyada la galayno. Sided ugu afcelin kartaa qof naftiisa u hurayo inuu ku difaaco? Sideed ula xisaabtami dal ciidamadiisu joogaan madaxtooyadaada? Wax ma diidi karnaa oo mayaba ma awoodnaa horta?
Waxaa hubaal ah in baahi weyn loo qabo fududaynta isu-socodka iyo suuq-geynta. Soomaalida qaas ahaan baahi weyn ayaan u qabnaa in lanoo fududeeyo dal ku gallada waddamada dariska ah oo aan wax badan ooga baahanahay. Laakiin, isu-socod furan oo u eg midka Yurub marnaba suuragal ma noqon karo. Duruufaha dhaqaale, kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqan iyo diimeed ayaa intaba ka dhigayo mid suura gal ahayn inaan Kenya yeelano hal baasaboor oo meshi aan donno aan u dagi karno. Yurub oo nooga horraysay ayaa hadda fahantay inay kuqaldantay midowgi noocaas ahaa.
Saas oo ay tahay waxaan aaminsanahay, in soomaalidu tahay kuwa ku dhex noolaal karo dadyowga kale. Laakiin dadyowga kasoo jeeda Kiinya iyo Itoobiya uma sahlana inay nagu dhex noolaadaan. Iyadoo laga yaabo inaan nahay dadka ugu badan ee ka faaiidi lahaa isu darmashada, ayaan haddana waxaan qabaa innaan aqbalin waayo ma joogno waqti aan taas ka fakerno mana lihin awood aan ku xisaabtanno ama aan isaga eegno shuruudaha wax wadaaga.
W/Q: Ibrahim Aden Shire
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/