Kheyre: “Gorgortan kama gali doono hirgalinta hanaanka lagu bixinayo canshuurta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale ka hadlay qorshaha ay Xukuumada ku dooneyso in lagu qaado Canshuuraha dalka.

Kheyre oo la hadlaayay qaar kamid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay marka hore dooneyso kamiro dhalinta bixinta Canshuurta laga doonaayo Ganacsatada.

Kheyre waxa uu tilmaamay in nasiib darro ay tahay in Ganacsatada ay dhaqaalaha Canshuurta ah ku bixiyaan dalalka shisheeye, balse aysan ku bixin dalkooda.

‘’Waxaa maskaxdeena kaweyn sida ay u dhaqmaan Ganacsatada waa in Canshuurta dalka ay u bixiyaan si lamida canshuurta ay uga bixiyaan dalalka ay alaabaha kala soo dagaan, waa inay nala gartaan in dalka uu ku dhismayo keliya lacagaha canshuurta ee aan ka qaadno Ganacsatada’’

‘’Anagu ma diidanin inaan isla jideyno wixii ku xeeran cabashooyinka Ganacsatada waxaase nooga dhib badan inaan isla fahmi weyno in dalkeena uu u burbursan yahay bixin la’aanta canshuuraha, sidaa aawgeed waxaan dooneynaa in lacagaha aan ka qaadno Ganacsatada ku dhisno dalka’’

Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay dhexda ugu jirto cadow Shisheeye iyo mid Ganacsi, waxa uuna Ganacsatada ugu baaqay inaysan eegin keliya Canshuurta laga qaado, balse ay eegaan halka ay Canshuurtaas ku baxeyso.

‘’Waa inaan eegnaa halka ay canshuurta ku baxeyso anagu dooni meyno dal ay wadooyinkiisa haleysan yihiin waxaan dhaqaalaha aan idinka qaadno ku hormarineynaa dalkiina’’

Ra’isul wasaaraha iyo Ganacsatada waxa ay isla garteen in la qafiifiyo Canshuurta, taa bedelkeeda ay Ganacsatadu si joogta ah uga qeybqaataan kor u kaca dhaqaallaha dalka.

Waxaa kamid ahaa qodobada ay isku fahmeen Ra’iisul wasaaraha iyo Ganacsatada:

1-In si wada jira looga wada shaqeeyo Dhaqaalaha iyo Horumarka dalka.

2-In dowlada laga caawiyo dhinacyada Canshuurta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

3-Horumarinta bilicda dalka iyo in xooga la saaro sida ay Somalia kusoo ceshan laheyn Ganacsigii ay caanka ku ahaan jirtay.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ballanqaaday inuu xooga saarayo wado waliba oo ay kuwada shaqeyn karaan Dowlada iyo Ganacsatada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com