Maxaa kaaga baxay baaqa degdega ah ee Kheyre uu u diray haweenka BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay qorshooyinka ay Xukuumadiisa ka damacsan tahay Haweenka Soomaaliyeed.

Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadiisa ay tahay tan kaliya ee soo dhicisay xuquuqda Haweenka waxa uuna cadeeyay in waxa la qabtay ay ka badnaan doonto waxyaabaha kale ee harsan.

Waxa uu sheegay inay ka jawaaben cabashooyinka Haweenka maadaama ay dhowr jeer usoo direen dhambaal ku aadan in la muujiyo xuquuqdooda ku aadan dhanka Siyaasada.

Baarlamaanka ayuu sheegay in Haweenka ay ku leeyihiin Kuraas dhowr ah, waxa uuna Haweenka ku jira BFS ugu baaqay inay codka Kalsoonida siiyaan Golaha Wasiirada.

”Haweenka ku jira BFS waxaan ugu baaqeynaa in codkooda ay siiyaan Golaha Wasiirada si ay u helaan xuquuqda kale ee u harsan”

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay Ganacsatada, Haweenka iyo shacabka Soomaaliyeed in uu u sheegay in la soo gaaray waqtigii ay la shaqeyn lahaayeen Dowladda Soomaaliya.

”Waxa aan intaa oo dhan u sameyneyno waa sida Hooyada iyo Gabdhaheeda ula shaqeyn lahaayen Dowlada waayo dal waliba oo hormaraa dadkiisa ayaa dhista”

Wuxuu sheegay Haweenka in looga baahan yahay xilligan taageero muuqata in ay siiyaan Golaha Wasiirada ee magacaaban, kuwaasi oo hada wajahaya caqabado kaga imaanaya qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili uu dhawaan ballanqaaday in Haweenka Soomaaliyeed ay dhowr kursi ku yeelan doonaan Xafiis waliba oo ka tirsan Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com