Sawirro: Kheyre oo waddooyinka Muqdisho loogu xiray Hal arrin darteed

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyr ayaa maanta Xariga ka jaray wadada Digtoor ka dare oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameeyay dib u dhis.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa wehlinaayay Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale, waxa uuna sheegay in wadada cusub ay aad usoo celineyso bilicda magaalada Muqdisho.

Mudada uu ku guda jiray Booqashada ayaa waxaa Ra’isul wasaare Kheyre loo xiray dhammaan Waddooyinka magaalada Muqdisho, waxa ayna booqashadiisu saameyn ku yeelatay Qoysas farabadan oo laga xanibay gaadiidka ay ku gaari lahaayen goobahooda shaqo.

Wadada la dhisay ayaa dhexmarta Degmooyinka Kaaraan Iyo Cabdicasiis Waana wado Muhim u ah Isku Socodka bulshada Labada Degmo.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa bulshada ugu baaqay inay dhistaan dhulkood, islamarkaana ay ilaalsadaan Sharaftooda.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la bixiyo Canshuurta Gobolka, wuxuuna cadeeyay in bilicda Gobolka lagu soo celin doono Canshuurta laga qaado shacabka.