25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Maxaa kala socotaa khilaafka agaasimaha iyo ku xigeenka Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa soo shaac baxay khilaaf weyn oo ka dhex qarxay Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Jaale) iyo ku xigeenkiisa, kaasoo laga yaabo inay ka dhalato is casilaad ka timaado Agaasimaha.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa la sheegay inuu qarka u saaran yahay is-casilaad, kadib markii kacdoon kasoo wajahay shaqaalaha madaxtooyada.Wararka ayaa sheegaya in Abuukar Balale iyo ku xigeenkiisa C/risaaq Shoole ay isku dhaceen dhowr jeer, iyadoo kan danbe lasoo baxay awood dheeraad ah oo uu garab uga helay kooxdii ololaha madaxtooyada Farmaajo.

Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle ayaa la sheegay in uusan jecleysan hab dhaqanka iyo tallaabooyinka uu qaaday Agaasime kuxigeenka C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, isla markaana taageero iyo garab ka heysta saaxibada ugu waa weyn ee Madaxweynaha.

Loolanka labada nin ka dhex taagan ayaa si aad ah looga dareemay gudaha Madaxtooyada, iyadoo gaartay heer dacwad iyo far isku fiiqid, waxaana ay gaartay Madaxweyne Farmaajo oo aan wali xalinteeda fursad u helin.

Labada nin ayaa waxaa la kala saftay labo koox, waxaana kooxda la safan C/risaaq Shoole ay yihiin kuwo ugu culus ee saaxibada Madaxweynaha, sida Fahad Yaasiin, Milkiilaha Hotel Jazeera Mr Gaambe, C/shakuur Mire, iyo rag kale, Halka Abuukar Baalle ay la safan yihiin rag kale oo u badan la taliyeyaasha Madaxweynaha iyo nin la dhashay Madaxweynaha oo lagu magacaabo Xasan Farmaajo.

Arrinta ugu weyn ee sababtay khilaafka labada nin ayaa ah, kaddib markii Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole uu shaqada ka joojiyay Shirkad Saadka siin jirtay Madaxtooyada oo madax ka aheyd haweeney ku heyb ah Xaaska Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada ayaa wajahaya kacdoon uga yimid xubnaha kala shaqeeya madaxtooyada ee u badan dhalinyaradii Farmaajo taageertay, waxaana ku xigeenkiisa uu isku dayay inuu la wareego awoodii agaasinka madaxtooyada, taasoo keentay inay isku dhacaan labada mas’uul ee ugu sareeya shaqaalaha Madaxtooyada.

Arrintaan ayaa waxaa la filayaa inuu si deg deg ah usoo farageliyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la rajeenayaa inuu madaxweynaha xal u keeno arrintaan, haddii kalana waxay keeni doontaa dhibaato ka dhex dhalato dhammaan shaqaalaha Madaxtooyda, maadaama ay sheekada u eg tahay mid  ku dhex kooxo is baxeystay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News