Xog: Farmaajo oo safarkiisii 8-aad ee dibedda ah aadaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa qorsheynaya safarkiisii sideedaad ee uu ku aadayo meel ka baxsan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in todobaadkaan gudahiisa uu safar dalka dibadiisa ah ku tagaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu casuumaad rasmi ah ka helay, sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay dalka Masar isaga oo casuumaad ka heysta dowladda Masar, waxaana casuumaada u fidiyay madaxweynaha dalkaasi masar C/Fataax Al-siisi.

Labadda Madaxweyne ayaa lagu waddaa in ay ka wada hadlaan xiriirka ka dhaxeeya labadal iyo sidoo kale taageerada dowladda Masar ay siiso dowladda Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tagaayo dalka Masar tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya 8 Bishii February ee sanadkaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET