Odayaasha Xamar oo hal arrin uu sameyn jiray Xasan ka waayay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ay aad u dhaliilsan yihiin talaabooyin uu qaaday Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Odayaasha ayaa la xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo ay ku dhaliilsan yihiin habmaamuuska, kadib markii uu ka jeestay la kulanka iyo la tashiyada uu Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud la sameyn jiray.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aad ugu xirnaan jiray Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaliyeed, halka Madaxweyne Farmaajo uu iska weeciyay la kulanka iyo la tashiyada Odayaasha.

Nabadoon Maxamed Ciyow oo kamid ahaa Odayaasha uu sida dhow ula tashan jira Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan qadarin siin Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed.

Nabadoonka ayaa carab dhabay in Odayaasha ay laf-dhabar u yihiin dalka waxa uuna tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu is ilowsiiyay muhiimada ay leeyihiin Odayaasha.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh uu la sameyn jiray wadatashi, hayeeshee aanu iminka jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka.

”Madaxweynaha waxaan ka tabaneynaa waa xiriir xumo kala dhexeysa Odayaasha, waxaan xusuusinayaa in Odayaasha ay yihiin kuwii xalin lahaa haddii ay xaajo dhabaqsanto”

”Xiriirkii aan ku heysan jirnay Madaxweynihii hore kuma heysano Madaxweynaha hadda jira waxaan rajeyneynaa in shaqooyinkiisa uu kusoo kordhiyo la shaqeynta Odayaasha”

Haddalka Nabadoonka ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo shaaciyay in dowladiisu ay xiriir dhow la sameyn doonto dhamman waxgaradka Soomaaliyeed.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET