Xaqiiq muujineysa in uu Farmaajo tobankii maalinba hal mar u baxo safar dibadda ah!

Muqdisho (Caasimada Online)-  Madaxweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la doortay 8 February 2017, waxaana boqolkii maalin ee ugu horeysay dowladiisa ka dhiman muddo 14 Maalin ah, wuxuuna Madaxweynaha qabtay shaqooyin badan inkastoo aysan gaarsiiseyn meeshii laga filayey.

86-da maalin ee uu Farmaajo jiray, wuxuu dalka uga baxay ilaa 7 Safar, halka uu midkii sideedaad dhawaan ku tagi doono dalka Masar oo uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Marka la isku qeybiyo xisaabta 86-da iyo 8 Safar, waxay midaas ka dhigan tahay inuu Farmaajo 10-kii maalinba hal safar u bxayey, taasoo muujineyso inuu Madaxweynaha badsaday safarada.

Sida ka muuqato Xisaabta, Farmaajo waxaa la qiyaasayaa inuu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ka safar badan doono, maadaama uu tobankii maalin hal safar u baxayo haddii aysan arrinta wax badan iska badalin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa intaan la dooran ballan qaaday inuusan badsan doono safarada, isla markaasna uusan safar macno darro ah u bixi doonin, midaas xoogaa waxaa moodaa inaysan hirgelin, inkastoo inta badan safarada madaxweyna ahaayeen kuwa muhiim ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saakay kasoo laabtay safar uu ku aadan dalka Ingiriiska halkaas oo uu uga qeyb galay shirkii Soomaaliya loogu qabtay, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socdo u baxo safar uu ku aadayo dalka Masar.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET