Kheyre oo safarkiisii ugu horeeyay ee dibbada ah u dhoofay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka duulat garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, wuxuuna aaday safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah.

Xasan Cali Kheyre ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagaya dalka Qatar, halkaasi oo uu casuumaad ka helay, waxaana la filayaa inuu kala soo hadlo arimo dhowr ah oo ku aadan Soomaaliya.

Safarka Kheyre ee Qatar ayaa kusoo aaday iyadoo ay soo shaac baxeen Decumentiyo cadeynaya in dowladda Qatar oo gacan ka heleysa dowladda Mareykanka inay dooneyso inay Shidaalka Soomaaliya maamusho.

Lama oga waxyaabaha qarsoon ee ay ka wada hadli doonaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo boqorka dalka Qatar oo casuumay Xasan Cali Kheyre.

Tan iyo markii xilkaan loo dhiibay Xasan Cali Kheyre, ayuu noqonayaa safarkiisii ugu horeeyay, waxaase ka safaro badan ilaa iyo hadda madaxweynaha dalka oo 7 jeer dalka dibadiisa u ambabaxay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET