Gaas oo muujiyey in uusan dowladda Farmaajo ku qanacsaneyn

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo khudbad ka jeedinayey xafladdii ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Puntland ee London ayaa ku hadlay hadalo u muuqday inuusan ku qanacsaneyn dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaaj.

Cabdiweli Gaas ayaa halkaas ka sheegay hadalo dad badan shaki geliyey oo weliba kusoo aaday xilli xasaasi ah, waxayna dadka qaar u fahmeyn ereyadaas inay ahaayeen kuwa dagaal ku ah dowladda Soomaaliya.

Waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa hadaladii ugu muhiimsan ee uu halkaas ka sheegay Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas “Sharciyada dalku waa Federalism maanta , ama rab ama ha rabin, ama jeclow ama ha jeclaan. waxaa la isweydiiyaa ma xunyahay mise ma fiicanyahay, anigu waxaan ogahay in uu Soomaali daawo u yahay , in uu xunyahay iyo in uu fiicanyahay ha ii danbeysee.

“ Dowladda ayaa sideedaba sharciyada leh, laakiin hadana waxaa la rabaa in sharciyadaasi dadku ka nabad galaan, waxaana lagu heli karaa in awooda la qeybiyo. awooda waa in loo qeybiya si Vertical ah , dowladdii dhexe iyo dowladd goboleedyadii”

“ Waxaa la diidayo waa in dowladdu ku ururto hal magaalo , hal gobol iyo hal qof! Soomaaliya dowladd baan lahayn dowladii waa duntay markii dowladdi duntay dalkii oo dhan baa dumay, waayo hal meel ayeey awoodu taalay, marka hadii xamar dunto maxay baydhabo u dumeysa maxay kismaayo u dumeysa. waa in aysan dhicin wixii dhacay 30sano kahor”.

Madaxweyne Gaas “Xamar kama warqabno waxay qabato, waxna kuma qabno , hadii ay fiicnaato waa fiicnaaneynaa, hadii ay xumaatona anagu halkayaga ayaan joogna waxba ma qabno”

Madaxweyne Gaas “Dowladda Federaalka hada jirta waxaan rajeynaynaa inay noqoto mid ka duwan kuwii hore inshallah, kolay hadii aan waxkale ka heli weyno sharkeeda inaan ka nabadgelayno ayaan rajeynaynaa”

“Waxaa la leeyahay 5 madaxweyne miyaa dalka ka jira, hal madaxweyne muxuu u jiri waayey? horta Federaalismka waxaa waaye awooda oola qaybsado hadii awooda la qaybsanayona wax walbo waa la qaybsanaya. Anagu Puntland boqortooyo sheegan mayno laakiin weligeen madaxweyne waan la haaneynaa”.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET