Xog: Safiir la hakiyay magacaabistiisa iyo kuwo la xaqiijinayo

Muqdisho (Caasimada Onlimne) – Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay isisoo tarayeen wararka sheegaya in Safiiro  cusub ay dowlada Soomaaliya u magacaabi rabto dalal dhowr ah , ayaa waxaa soo baxaya qaarkood loo hakiyay maqnaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa lagu waday in ay ku ansixiyaan  Golaha Wasiirada shirkii ay Khamiistii Muqdisho ku yeesheen hayeeshee Magacaabistoodi iyo Ansixintoodiiba dib ayay u dhacday  kaddib markii mid ka mid ah Safiirada la magacaabi lahaa la sheegay in aanu ka war heyn Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galayay shirka London.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu markii hore aqbalay magacaabida Safiirada Soomaaliya ee Turkiga iyo UK, oo ah labo nin oo mid ay xigto yihiin, midna reer abtiyeyaashiisa ah, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Villa Soomaaliya.

Labada Safiir oo lagu kala magacaabo Jaamac C/llaahi Ceydiid oo ka mid ahaa Guddigii Ololaha Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in warqadiisa loo diray Turkiga, isla markaana safiirnimadiisa ay tahay mid banaanka ah.

Sidoo kale C/raxmaan Ceynte ayaa goor sii horeysay magacaabidiisa Safiirnimada lagu shaaciyay baraha bulshada, iyagoo dad badan oo saaxibo iyo ku beel ahba ay ugu hambalyeeyeen, waxaana dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah warqada safiirnimada ugu magacawday u dirtay dowladda UK.

Hase ahaatee ninka 3aad ee la hadal hayay in loo magacaabo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa magacaabidiisa ay mugdi soo gashay, kaddib markii ninkan la sheegay inay wateen xubno ku dhow Ra’iisul Wasaaraha, sidaas darteed Madaxweynaha iyo saaxibadiisa ay ku qanacsaneyn.

Ninkan oo lagu magacaabo Xuseen Qaasim ayaa rajadiisa Safiirnimo ee Kenya ay hoos u dhacday, sababo aan wali la ogeyn, waxaa la sheegay inay wateen xubno uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay isku jaamacad ahaayeen, horayna uga soo wada shaqeeyeen ismaamulka soomaalida Itoobiya.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa horay muran ka jiray cida loo magacaabi lahaa, waxaana xubno qaar oo uu ka mid ahaa Ceynte oo markii hore rabay xilkaas la sheegay in qaabka awood qeybsiga darteed uga suura geli weyday.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay buuxiso Safaaradaha banaan, maadaama xubnihii horay u hayay ay ka mid noqdeen Golaha Wasiirada iyo xilal kalena ka qabteen dowladda cusub.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET