Nairobi (Caasimada Online)-Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan magaalada Nairobi ku dhexmaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari iyo Xildhibaanada BFS ee dhawaan ku dhawaaqay Madasha Horusocod.
Jawaari ayaa sida aan horay u sheegnay Xildhibaanada u sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, waxa uuna ka dalbaday inay aqbalaan wadahadal.
Jawaari waxa uu Xildhibaanada ka dalbaday inay joojiyaan loolanka iyo Kulamada ay uga soo horjeedan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo ay ka wadaan Gudaha Magaalada Nairobi.
Gudoomiyaha ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay in wax walba Miiska wadahadalka lagu dhameeyo isla markaana xal buuxa laga gaaro tabashada ay qabaan Xildhibaanada.
Jawaari ayaa inta uu shirka socday Xildhibaanada ku wargaliyay in Madaxweynaha uu usoo faray 4 qodob oo kala ah:
1-In Khilaafka jira lagu xaliyo miiska wadahadalka.
2-In Xildhibaanada ay qoraal kusoo gudbiyaan tabashadooda.
3-Inaan dalka dib loogu celin Khilaaf, Muran Siyaasadeed iyo Buuq lagu rogo nidaamka dowlada.
4-In Xildhibaanada ay dib ugu laabtan magaalada Muqdisho si loo xaliyo Khilaafka taagan.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa Guddoomiye Jawaari ka aqbalay qodobada uu usoo jeediyay balse waxa ay shaki galiyeen qodobka 2aad ee ah in tabashadooda ay ku gudbiyaan qoraal, waxa ayna dalbadeen in la horkeen Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii kordhaaya Xildhibaanada ku biiraya Madasha Mucaaradka ee Horusocod.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

