Maxaa kasoo baxay kulanka Farmaajo & Xasan Sheekh mar kale ku dhexmaray dalka Turkiga?

Ankara (Caasimada Online)-Waxaa mar kale magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan uu ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo muddo socday kadib Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo ay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo isbedelada jira.

“Maanta waxaan magaalada Anakara kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya iyo qaabka dowladda Soomaaliya ay u sameyn karto horumaro balaaran”. Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Labada mas’uul waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xaalada gobolka geeska iyo is bedelada ka dhacaya, gaar ahaan nidaamka siyaasadda juquraafiga ee gobolka oo xilligan Soomaaliya saameyn ku yeelaneyso.

Waxa ay isla soo qaaden mas’uuliyiintan muhiimada  ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeyn dhexmarta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda shacabka Soomaaliyeed.

Waxa ay labada mas’uul isku raaceen in si wada jira looga wada shaqeeyo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana kulankooda labaad kasoo baxay in culeyska lawada saaro wadatashi iyo isla shaqeyn joogta ah si indho loogu noqdo Umadda Soomaaliyeed ee aanu dhowr sano helin nidaam rasmi ah.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo labada Madaxweyne yeesheen, iyadoo bishii hore ee July ay ku kulmeen magaalada Ankara, xilli Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayay caleema saarka Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo dib loo doortay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana uu u degan yahay dalka Turkiga.

Dhinaca kale, kulanka Ankara ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay la hadal haayey in uu ku soo wajahan yahay Magalada Muqdisho si uu u sameeyo Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Ankara

Caasimada@live.com