ONLF oo Ethiopia uga dhawaaqday isbaheysi cusub & Qorshaha ka danbeysay oo la ogaaday

Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka nasoo garaya ayaa sheegaya in isbaheysi cusub looga dhawaaqay Ethiopia kaa oo ay ku mideysan yihiin ururrada ONLF iyo SRDA.

Ururadan oo muddo fog shaqeynaayay ayaa ku dhawaaqay isbageysi cusub oo ay ku sheegeen in uu ka shaqeynayo horumarinta iyo danaha dadka Soomaalida ah ee ku hoos nool dowladda Ethiopia.

Isbaheysiga oo loogu wanqalay “Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF)”, ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin miisaan ku leh Siyaasada dalka Ethiopia, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka shaqeyn doono dhammaan dalka Ethiopia.

Sida lagu muujiyay qoraal lagu daabacay boga Twitter-ka ee ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in labada urur ay ku heshiiyen in si wada jira looga shaqeeyo aayaha dadka iyo dhulka Soomaalida.

Waxaa lagu sheegay in labada urur ay isla garteen dhismaha Isbaheysiga Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF) oo saldhig u noqon doona xasilinta iyo hormarinta dhulka Soomaalida.

Waxaa la sheegay in Isbahaysiga cusub xoogiisa uu yahay mid ka shaqeyn doona xoriyadda iyo caddaaladda Soomaalida dalka Ethiopia, si loo helo jawi xasiloon oo saldhig u noqon doona cadaalada.

Sidoo kale, qorshooyinka ugu waaweyn ee isbaheysiga ayaa waxaa kamid ah sidii Soomaalida ku hoos nool dowladda Ethiopia ay u heli lahaayen Garowsi gaar ah, maadaama isbedel Siyaasadeed laga dareemayo Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, ONLF oo fac weyn isla markaana muddo dheer u dagaalamayay madaxabanaanida Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa iminka u muuqda inuu ku talaabayo isbedelo iyo siyaasado la dhaqan u ah dowlada Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com