25.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 10, 2026

Maxaa kasoo baxay kulankii Sheekh Shariif iyo hoggaanka Xisbiga Haybad Qaran?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed iyo hoggaanka sare ee Xisbiga Haybad Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaas oo ka dhacay hoyga Sheekh Shariif.

Ujeedka kulanka ayaa ayaa mid is xog-wareysi ah, kaas oo ka dhashay booqasho ay xubnahan ugu tageen Sheekh Shariif oo hadda ah gudoomiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo kamid ah aasaasayaasha Haybad Qaran ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulankooda uu kusoo dhamaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan, wuxuuna u mahadceliyay Shariif iyo xubnaha kale ee Xisbiga Himilo Qaran.

“Waxaan caawa hoygiisa ku booqannay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran. Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Sheekh Shariif soodhawaynta diirran iyo is xogwareysiga wanaagsan” ayuu yiri Fahad.

Labada dhinac ayaa sidoo kale intii uu socday kulankooda is-dhaafsaday aragtiyo ku aadan xaaladda siyaasadeed, midnimada dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Booqashadan ayaa ahayd mid ku saleysan is-dhaafsi aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, midnimada qaranka iyo mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya’ ayuu isna yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qayb ka ayaa kulanka.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli xaalad siyaadadeed oo kacsan ay ka jirto dalka, taas oo u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo isku haya doorashooyinka dalka ee 2026-ka.

Si kastaba, xubnaha Xisbiga Haybad Qaran oo dhawaan xaflad wayn ku qabsaday Muqdisho ayaa haatan bilaabay kulamo siyaasadeed oo xasaasi ah, iyaga oo ku biiray dhaq-dhaqaaqa haatan ka socda magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News