Maxaa kasoo baxay kulankii wasiirka batroolka iyo xeer-ilaaliyaha? (Shaki cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa 21-kii April u yeeray Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Axmed oo xiisad siyaasadeed dalka ka abuuray kadib heshiis shidaal oo uu la saxiixday shirkad Mareykan ah.

Heshiiska shidaalka ee wasiirku la galay shirkadda Coastline Exploration Ltd ayaa waxaa diiday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah. 

Si kastaba, kadib u yeeristaas, weli wax war ah lagam hayo haddii ay kulmeen xeer-ilaaliyaha iyo wasiirka oo kulankooda la filayay inuu dhaco 25-kii April 2022-ka. 

Waxaa shakiga sii badiyey in xeer-ilaalintu aanay soo saarin war saxaafadeed ku saabsan haddii kulanka uu dhacay iyo haddii kale, balse waxaa jira warar sheegaya in wasiirka Batroolku uu dhegaha ka fureystay u yeerista kaga timid xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa markii uu heshiiska soo baxay sheegay inuu la ogaa Madaxweyne Farmaajo, laguna qaatay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

“Feylkaan waxaa si qaas ah u hayey aniga iyo madaxweynaha, aad ayaan isaga war qabnay mudo dheerna waan ka wada shaqeyneynay, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si khaas ah howshaan iila waday,” ayuu yiri wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed.

Waxaa kale oo jira tuhun ah in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble codsaday in waraysiga Wasiirka dib loo dhigo si dowladda cusub ee imanaysa ay ula wareegto galka baarista heshiiska sharci-darrada ah oo Ra’iisal Wasaaruhu ku gacan-sayray laakiin u oggolaaday wasiirka inuu shaqadiisa sii wato.

Sharciga maamulka dowladda ayaa dhigaya in shaqada laga joojiyo mas’uulka xilkasnimo-darro lagu helo ka hor inta aan baaritaan rasmi ah lagu samaynin qofka xilka haya. 

Shirkadda Coastline Exploration ayaa horey ugu gacansayrtay go’aankii ay madaxda sare ee dowladda uga horyimaadeen heshiiskii uu Wasiirka shidaalka dowladda kula saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyaay barnaamijka Galka Baarista waxa uu si weyn u difaacay in uu sax ahaa nidaamkii ay heshiiska kula saxiixdeen Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

“Waxaa aaminsanahay in heshiiska aan saxiixnay uu sax yahay oo si buuxda u jiraan. Filashadeyda waxa weeyi in aan fasax ka heli doono dowladda federaalka, kadib waxaa bixin doona lacagtii saxiixa oo waa shaqo galeyna,” ayuu yiri.

“Cid iskama dhago tirin, markale aniga oo dooneyn in aan hoos ugu sii galo faah-faahinta dooda sharciga ah, sababta oo ah way jiraan iyaga oo dhowr ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor inta ay saxiixin heshiiska ay la tashi la sameeyen wasaarada iyo wakaalada Batroolka, kuwaasi oo kalsooni ka siiyay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka warqabaan saxiixa heshiiskaas.

“Nagama suurtowdo taxadar la’aan intaas le’eg in aan galno howl intaas le’eg anaga oo aan ogeyn ama rumeysneyn in howsha ay korka ka toosan tahay. Waxaa ku xasuusinaya in marka la raaco sharciga Batroolka aan nagala dooneyn in aan la hadalno Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha midkoodna si toos ah, ” ayuu yiri Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson.

Richard Anderson ayaa ku cel-celiyay in madaxda sare ee dalka ay ka warqabeen heshiiskaas.