Maxaa kasoo baxay shirarkii kala duwanaa ee magaalada Dhuusamareeb ka dhacay?

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Saacadahii lasoo dhaafay waxaa magaalada Dhuusamareeb shirara gaar-gaar ah ku yeelanayay madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirka ugu muhiimsanaa wuxuu dhexmaray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labada madaxweyne ee dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo ay si aad ah isku khilaafsan yihiin.

Shirarkaan gaar-gaarka ah waxey gogol xaar u yahiin shirka guud ee la filayo iuu berito ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb.

Ajendaha shirarkaaan waxaa lagu sheegay sidii isfaham loo dhan yahay looga gaari lahaa tabashooyinka ay qabaan qaar ka mid ah maamullada ka hor shirka guud, waxaana jira ilo wareedyo laga helayo caasimadda Galmudug.

Caasimadda Online waxey ogaatay in shirarkii gaar-gaarka ahaa ee xalay dhacay aysan jirin wax la isla fahmay, waana arinta keentay in shirka oo maanta furmi lahaa uu dib u dhac ku yimaado.

Farmaajo wuxuu doonayaa inuu daneeyayaasha siyaasadda Soomaalida ka dhaadhiciyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah, halka madaxda dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay doonayaan in la qabto doorasho dadban maadaama aan laga gaarin nidaamka ay dooneyso Villa Soomaaliya.