Maxaa kasoo baxay shirkii la sugayay ee golaha wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka ayaa oo isha aad loogu hayay, ayaa waxaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa warbixin laga dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaanan marnaba lagu soo hadal qaadin wax isbeddel ah oo ku aadan hadal-heyntii soo bilaabatay markii Hotel SYL ay Al-Shabaab weerareen Jimcihii hore, taas oo ku aadaneyd in Xasan Sheekh uu qorsheynayo in hoggaanka NISA iyo Taliska Xoogga uu is bedel ku sameeyo.

Caasimada Online oo horay ugu kuurgashay ajendaha kulanka Khamiislaha ah Golaha Wasiirrada ayaa shalay sii baahisay in ajendaha aysan ku jirin arrintaas, isla markaana uusan jirin qorshe xil ka qaadis ah oo miiska u saaran Madaxweynaha, laguna soo bandhigayo shirka.

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo xilka hayamuddo ku dhow labo sano ayaa aad loogu amaanaa is bedelka uu ka sameeyey amniga caasimadda Muqdisho oo hortiis maalin kasta lagu xasuuqi jiray shacabka, masuuliyiinta iyo ciidamada dowladda.

Caasimada Online waxay xaqiijisay in Mahad Salaad uu hadda yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, doorashada Gamudug ayaa dhaceysa bilaha December ilaa Janaayo, waxaana lagu wadaa in markaas uu iska casilo xilka hey’adda NISA.

Sidoo kale, hadalheynta saacadihii lasoo dhaafay qabsatay baraha bulshada waxaa ku jirtay in xilka laga qaadi doono Taliyaha Booliska, xubnaha ku dhow xafiiska Madaxweynaha ee noo waramay waxay xaqiijiyey in arrintaas aysan waxaba ka jirin oo madaxweynaha aysan u qorsheysneyn wax is bedel ah oo lagu sameynayo hey’adaha ammaanka.