Daawo: Sheekh SHARIIF oo hanjabaad culus kasoo saaray xiisada ka taagan dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo goordhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xiisadda dastuurka oo meel xasaasi ah mareysa.

Shariif ayaa sheegay in hanaanka loo wado wax ka beddelka dastuurka uu yahay “mid meesha ka saaraya dastuur loo mideysan yahay oo lagu dhaqmo”, islamarkaana uu dastuurka ka baxayo KMG keliya marka afti dadweyne loo qaado oo shacabka u coddeeyaan.

Waxa uu si adag uga horyimid sida ay hadda wax u wado Madaxtooyada oo gadaal ka riixeysa meel-marinta wax ka beddelka dastuurka oo dooddiisa ka socoto baarlamaanka, xilli ay xildhibaano badan kasoo horjeesteen qorshaha Villada.

“Dariiqa shalay aan wax ku dhisnay oo wanaagsana oo is-ogolka ahaa maxaad uga leexaneysaan?. Habraaca wax ka beddelkiisa loo maray waxay shaki galinaysa habka dhameystirka dastuurka u socdo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in waxa socda uusan aheyn dhameystir dastuur ee uu yahay dastuur beddel, maadaama qodobo aad u badan banaanka laga keenay, “marka waxa lagu kordhinayo iyo waxa laga bixinayo bataan waxay noqoneysa dastuur beddel.”

Madaxweynihii hore waxa uu sheegay in taasi ku iman karto oo keliya wada-tashi iyo in dadka ku heshiiyaan in la beddelo gebi ahaanba dastuurka, “doodda yaan laga dhigin qolo dastuur ansixineysa iyo qolo diideysa.”

“In dastuurka la dhameystiro waa la wada ogol yahay laakiin sida loo dhameystirayo ayaa la raba inay noqoto sida uu dastuurka tilmaamayo. Waana in baarlamaanka iyo guddiyada shaqadood loo dhaafo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka xishoonayo inuu sheego cilado dhanka xukuumadda ka imanaya oo ku saabsan dastuurka, isagoo soo qaatay in dalka uusan laheyn wasiir arrimo dibadeed iyo mid amni toona.

“Dalka muddo dheer ma lahan wasiir arrimo dibadeed iyo wasiir amni ma leh, ma isweydiisay dal xaaladan ku jira oo aan ognahay amniga iyo diblumaasiyada dhibaatada ka jirta inuu billo iska ahaado wasiir arrimo dibadeed iyo amni la’aan ma isweydiisay weli, waxyaabaha kalena waa ka badan yihiin in aan hoos usii galo ma rabo.”

Dastuurka ayuu sheegay in arrintiisa noqoto kuwa ay ka shaqeynayaan hay’addihii loogu tala-galay, oo dhinac ka istagaan madaxda dalka, isagoo ku dheeraaday dhibaatada ka dhalan karta in la meel-mariyo dastuur aan heshiis lagu aheyn.

Shariif oo u muuqda mid dooddiisa u dhiibanayo si xikmadeysan ayaa ugu dambeyntiina su’aallo ka keenay qodobbada uu ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee meesha looga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo farta ku fiiqay wadada qaldan ee ay socoto Villa Somalia.

Hoos ka daawo