Maxaa kasoo cusboonaaday wadahadalka Ethiopia & Jabhada ONLF

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa weli magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka socda wadahadalka dowlada Ethiopia iyo Jabhada xoriyadoonka ah ee ONLF.

Wadahadalkaan socda ayaa lagu doonayay in lagu dhammeeyo khilaafka mudada dheer socday ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Wadahadalka oo intiisa badan soo idlaaday ayaa waxaa iminka leysu fahmi la’ yahay qodobo gaara oo ay kala wataan labada dhinac.

Qodobada gaarka ah ee la isku fahmi la’ yahay ayaa waxaa kamid ah Qoondada ONLF ay ku yeelanayaan maamulka DDSI iyo tirada Kuraasto laga siindoona oo aan weli la isku fahmin.

Qodobada la isku fahmi la’ yahay ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Hanaanka loo ciidameynaayo dagaalamayaasha Jabhada ee sababta u ah wadahadalka heerkan soo gaaray iyo qodobo kale oo aan weli la carab dhabin.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in saacadihii ugu danbeeyay ay Iscasilaada Ra’isul wasaarihii Ethiopia Mr Hailemariam  iyo xiisada kasoo cusboonaatay deegaanada ay degaan Oromada.

Xubnaha dowlada Ethiopia u matalaayay wadahadalka ayaa la sheegay inay dalbadeen in wadahadalka la galiyo hakat gaaban waxaana soo baxeysa inay ku baxeen xiisadaha soo cusboonaaday iyo saameyn Siyaasadeed oo ka dhalatay iscasilaada Mr Hailemariam.

Sidoo kale, Afhayeenka ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hakad galay shirka.

Waxa uu sheegay in hakatka uu yahay mid sabab u ah xiisadaha sii ololaaya ee ka tagaan Ethiopia, isagoo cadeeyay in dib leysaga soo laaban doono.

Waxa uu yiri “Wufuuda Ethiopia ka socotay qaarkood way baxeen, qaarkoodna way joogaan, wadankana rabshado ayaa ka bilowday, waxaa hakatka shirka loo sababeynayaa iscasilaada Ra’isul wasaaraha iyo xiisadaha soo cusboonaaday’’

Dhinaca kale, Xubnaha ONLF u matalaaya wadahadalka ayaa sheegay inay fursad ballaaran ay u arkaan iscasilaada Hailemariam iyo xiisada soo cusboonaatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com