Wasiir Beyle dalka ha laga qabto

Tallaabooyinka uu qaadayo Wasiir Beyle ee ku saabsan canshuuraha waa kuwo ow ugu tala galay laba arrimood: midda hore in magaalada Xamar ay ka qaxaan wixi ganacsato beedacad keeni lahaa iyo in dadka ku nool magaalada ay iibsan waayaan cuntada daruuriga ah sicir barar awgiis.  Siyaasadda dhaqaale uu Beyle wato ma ahan mid ay wax ka ogyihiin labada qof ee dalka ugu sareysa oo ah Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre oon waxba kala socon waxa uu sameynaayo Wasiir Beyle oo ah canshuur xad-dhaaf ah oo cid bixin kartaa aysan jirin.  WAANA SABABTA DEKEDA XAMAR U XIRAN TAHAY SAGAAL MAALMOOD SABAB LA’AAN.

R/Wasaare Kheyre oo isku dayay inuu arrinta xalliyo waxaa horjoogsaday Beyle oo yiri lacagta waa inaan ka qadnaa wax kasta oo dhaca. Tani waxay tilmaam cad u tahay in dalkaan aysan ka jirin siyaasad maamul balse ay tahay KU-TAKRI-FAL AWOOD ( absolute abuse of power) oo u gaara Wasiir Beyle!!!

Canshuurta uu soo rogay waxay ka badan tahay qiimaha lagu soo iibiyay badeeca dalka la keenay, taasina waxay horseedi doontaa in ganacsatada ay u guuraan meelo ka baxsan Xamar oo noqotay bahalo galeen Beyle ku galgashay oo danahiisa ka fushada…cid daba gasha ama radisa AMA IS-WEYDIISA in canshuuraha uu soo rogay ay yihiin kuwo macquul ah oo dal Somaliya oo kale ah lagu dabaqi karo!!!

Wasiir Beyle ma loo sheegay meesha uu ku nool yahay inay tahay tuulo ka mida Somaliya oo la yiraahdo Xamar.  Tirada ku nool Xamar waxaa lagu qiyasay inay yihiin seddax malyan oo ruux…laba malyan oo ka mid ahna aysan heli karin quutul yowmka daruuriga u ah nolosha…laakin Wasiir Beyle oo weli ku nool noloshi New York wuxuu soo rogay canshuur laga qaado qofki koob shaaha caba oo laga rabo inuu bixiyo rubac doolar canshuur ah oo lagu kordhiyo qiimaha koobka shaaha!!!

Wasiir Beylöe wuxuu rabaa inay dadka ganacsiga yar-yar ku heysta magaalada Muqdisho ay bixiyaan canshuur loo kaashado deynta lagu leeyahay dalka taasoo horseedi doonta, sida uu qabo Beyle, in nagala cafiyo balaayiin doolar oo dowladda Somaliya laga rabo.  Deynta yaa gudaaya yaase laga cafinaa ma dadka Xamar ku nool bes ayaa wakiil ka ah dalka oo dhan mase waa canshuur loo adeegsanaayo ujeedooyin aan weli lagu dhawaaqin.

Mashaariicda uu Madaxweyne Farmaajo soo ballanqaaday inuu ka fulinaayo gobollada Puntland & Galmudug uu maal- gelin doono isagoo adeegsanaya canshuurta ay bixiyaan dadka Xamar deggan.  Dowladda dadka meeshaan ku nool maxay ugu qabataa canshuuraha ay bixiyaan? Sida uu sheegay wasiir Beyle boqolkiiba sideetan (80%) kharajka dowladda wuxuu ka yimaadaa Xamar waana ku qadsan yihiin mashaariicda ka socota gobollada kale. Ma jiraan wax khidmad ah oo ay dowladdu ka fulisay Muqdisho oo dadweynaha ay ka faaiideen.

Ma heystaan waxbarasho, daaweyn, biyo nadiif ah iyo biiad ay ku noolaadaan haddii hantida laga qaado loo adeegsan lahaa horumarka magaalada dadku raalli ayey ka ahaan lahaayeen.

Wax alla wixi ay shaqeystaana waxaa looga qaataa si baad ah oo lagu magacaabayo canshuur taas oo la siiyo xildhibannada barlamaanka, aqal sare oon wax loo sameeyay cidna aqaanin, casuumado iyo xaflado waaweyn oo oo usbuucii 4 ilaa 5 jeer la qabto laguna bixiyo kharaj fara badan oo cunto u badan, dadka Xamar deganna nus-ka-nus waa baahan yihiin.

Waxaan ku tali lahayn in canshuurta laga dhaafo cuntada dalka soo gasha oo dhan ama tan dibadda laga keeno, siiba bariiska, baastada, saliida, burka, galleyda, mesegada, sisinta, caanaha iyo  wax alla wuxu dadku quuto, si nolosha ay u noqoto mid qof waliba uu higsan karo ama raadi karo si uu uga badbaado sicir bararka uu soo wado Wasiir Beyle oo berrri markuu xisaabtiisa aruursado dib ugu noqonaaya meeshuu ka yimid sida asaxaabtiisa kale oo dhan.

Waa in la sameeyaa guddi ka kooban khubaro dhaqaale oo dib ugu sameeya baaritaan iyo qiimeyn canshuuraha dadka laga qaado.Madaxda dowladda war kama haayaan sida loogu nool yahay magaalada, wasiir Beylana weli ma garan in canshuurta oo la kordhiyo waxay dhaawac weyn ku tahay masaakinta dalkaan meel ay ka aadaan aan heysan, ganacasatadana wax dhibaato ah kuma qabaan oo waxa bi’ doona waa danyarta aan heli Karin meel uu ka shaqeeyo iyo wax ow cuno… WASIIR BEYLE HA LAGA QABTO DALKAAN INTEY GOORI GOOR TAHAY!! MA JIRAAN DADWEYNE DAREEMI KARA WAXA KU SOO SOCDA!!!

W/Q: Axmad Calasow

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid