Daawo: Wasiir Cawed oo xog ka bixiyay Khilaafyada ka dhex aloosan DF, UAE , Qadar & Maamulada dalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ee Somalia Axmed Ciise Cawed, ayaa wareysi gaara oo uu uga hadlaayay arrimaha Somalia siiyay Idaacada VOA laanteeda af Soomaaliga.

Wasiir Cawed, ayaa wareysigiisa ku difaacay dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxa uuna sheegay in dowladu ay u taagan tahay xalinta dhibaatooyinka gudaha iyo dibadda.

Falastiin Axmed Iimaan, oo wareysiga la yeelatay Wasiir Cawed ayaa wax ka weydiisay arrimo dhowr ah oo u muuqday inay ahaayen kuwo mugdi ku jiray waxaana kamid ahaa Khilaaf Siyaasadeedka DF iyo maamul Goboleedyada ee ka dhashay kala taageerida Qadar iyo Imaaraadka Carabta, Kulmada Muqdisho ku dhexmaray Ra’isul wasaare Kheyre, Safiirka Imaaraadka ee Somalia iyo Wasiir Cawed qudhiisa.

Wasiir Cawed waxa uu sheegay in laga soo gudbay khilaafka dowlada Federaalka iyo maamulada ee ka dhashay Siyaasadaha isdiidan ee Qadar iyo Imaaraatka, waxa uuna sidoo kale sheegay in talada dalka looga danbeeyo dowlada Federaalka, sidaa aawgeedna xiisada ka dhexeysa Qadar iyo Imaaraadka ay horay go’aan cad uga gaartay dowlada Somalia kaana uu yahay kan socondoona.

Sidoo kale, Wasiir Cawed waxa uu difaacay kulamada Muqdisho ku dhexmaray RW Kheyre, Safiirka Imaaraadka Maxamed Al Hammadi iyo kulankii uu isaga la qaatay isla Safiirka, waxa uuna sheegay in kulamadaasi ay kamid tahay dadaalada lagu xoojinaayo xiriirka labada dal.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowlada Somalia ay aad usoo dhaweyneyso wadahadalka magaalada Nairobi uga socda Ethiopia iyo ONLF.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR AXMED CIISE CAWED