Xog: Maxaa Kenya ku qasbay ka laabashada go’ankii Soomaalida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa shalay ku dhawaaqday iney ka laabatay go’aankii hore ay kaga qaadatay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo kumanaan Soomaali ah ay ku nool yihiin, kuwaasi oo walwal wajahay markii Kenya ay go’aankan qaadatay.

Wasaarada arimaha gudaha ee dowlada Kenya ayaa shaacisay in amni daro ka jirto dalka Soomaaliya ay ku qasabtay iney ka laabtaan go’aankii horey ay u gaareen oo ahaa iney xerayaan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo qaxootiga ugu badan dunida ay ku nool yihiin,

Joseph Nkaissery  oo ah wasiirka arimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in amaanka Soomaaliya wali uusan aheyn halkii la doonayay sidaasi daraadeedna ay ka laabteen go’aankii horey loo qaatay ee lagu xirayay xeryaha Dhadhaab ee dalka kenya.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney dhameystireen baaritaano ay ka sameyneyeen xeryaha Dhadhaab iyo deegaanada kale ee ku yaala waqooyi bari Kenya.

Nkaissery ayaa xusay in warbixinta ay hayaan ee dhanka qaxootiga la wadaagi doonaan fadhi qaramada midoobay ay 20 September ee sanadkan ku yeelanayso magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka Kenya booqasho ku joogo wasiirka arrimaha dibadda dalka Marykanka John Kerry. iyadoo dawladda Mareykan ay horey ugu baaqday dalka Kenya iney ka fiirsato go’aanka ay ku xirayaan xeryaha qaxootiga inta Soomaaliya ay ka xasilayso.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya 
Caasimada@live.com