Arrin yaab leh oo kusoo korartay xasuuqii ay ETHIOPIA gaysatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa mar kale diiday Guddi heer caalami ah oo la sheegay inay baarayaan tacadiyada ay ciidamada Ethiopia kula kaceen dad ka qayb-galayay isku soo baxyo ay dhigeen qaar ka mid ah qowmiyadaha dalkaas.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay inaan la joogin xili munaasib ah oo baaritaan lagu sameyn karo dhibaatooyinka ay ciidamada Booliska ah u geysteen dadka shacabka ee dhigaayay dibadbaxyada.

Dowladu waxa ay sheegtay in kala bar Guddiga heerka caalami ee doonaaya inay baaran godobfalada ay geysteen ciidamada ay qaarkood wali ku sugan yihiin dalka, halka qaarna ay ku amreen inay isaga baxaan dalka, kadib markii ay sidoo kale ku eedeeyen inay daraf ka yihiin hanaanka loogu tallo galay in loo hirgaliyo baaritaanka.

Dowlada Ethiopia ayaa diiday in Guddiga heerka caalami ah ay tagaan goobaha ay ka dhaceen godobfalada waxa ayna sheegtay in horay ay u mamnuucday howlgalinta Guddigaasi iminka si taa lamid ah ay u diideen in Guddigaasi ay gaaran goobaha ay dhibta ka dhacday.

Afhayeen u hadlay dowlada ayaa sheegay in ciqaab ay la kulmi doonaan Xubnaha Guddiga kamidka ah, waa haddii ay ku dhiiradaan inay baaran dhabta ka dhalatay dibadbaxa iyaga oo aan amar ka heysan dowlada.

Hay’adaha xaquuqda aadamaha ayaa horey u dalbaday in loo diro dalka ethiopia koox barayaal caalami ah si ay u oggaadan waxa ka socda wadankaasi.

Sidoo kale, Wasiiru dowlaha wasarada arrimaha dibadda ethiopia, ayaa sheegay in dowladda ay ka soo horjeedo qorshaha ay wataan Hay’adaha xaquuqda aadamaha u dooda waxana uu diiday faragalin shisheye.

Diidmada dowlada ethiopia ayaa imaaneysa iyadoo rabshadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaanada dalka ethiopia ay ku nafwaayen shacab aad u farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com