Xog: Xasan Sheekh oo amar dul dhigay CUMAR DHAGEY kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uu kulan albaabada u xiran yahay la qaatay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee heer faderaalka Avv. Cumar Dhagey.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Cumar Dhagey uu kala hadlay baabi’inta tashwiishka ka taagan xulista Guddiga iyo qaabka ay u dhici doonto doorashada dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa Cumar Dhagey u sheegay in looga baahan yahay in Bulshada Rayidka uu ka saaro tashwiishka isla markaana uu bilaabo kulamo u dhexeyn doona isaga iyo ururada bulshada ka hor inta aan la gaarin doorashada.

Madaxweyne Xassan waxa uu Cumar Dhagey u sheegay kuna amray in wakhtiga yar ee ka harsan doorashada dalka uu muhiimada koowaad siiyo Bulshada rayidka isaga oo carab dhabay in Bulshadu ay yihiin kuwa kasii jeeda kaalintiisa, balse loo baahan yahay in laga dhaadhiciyo inuu yahay shaqsi dhabar adeeg u leh maamulida dalka isla markaana la taageero.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale Cumar Dhagey u sheegay in shaqsi ahaantiisa ay mudan tahay inuu garab ka geysto dib usoo laabashadiisa waxa uuna cadeeyay in soo noqoshadiisa ay tahay mid dan ugu jirta.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta Doorashada Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle ”Cumar Dhagey”, ayaa ballanqaaday in culeyska ay saari doonaan qancinta Bulshada isla markaana ay Bulshada usoo bandhigi doonaan in mar kale la taageero Xassan maadaama aysan dani ku jirin in shaqsi kale uu imaado.

Geesta kale, Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle iyo Xubnaha kamidka ah guddigiisa ayaa bilaabay in qeybqeyb ay ula kulmaan ururada Bulshada Rayidka kuwooda ka howlgala magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com