36 askari oo mar qura Daacish laga daldalay kadib markii lagu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ciraq ayaa markii ugu horeysay daldalaad ku fulisay askartii ugu badneyd ee ka mid aheyd kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraaq iyo Syria.

36 askari oo kamid ahaa kooxda Daacish ayaa lagu eedeeyay iney masuul ka ahaa dilka askar badan oo u dhalatay dalka Iraaq kuwaasi oo ku sugnaa xero ciidan oo ku taala dalkaasi.

Askarta la dilay sanadkii 2014 ayaa gaareysa 1700 oo askari, waxaana 36 ruux ee ka tirsan kooxda Daacish la sheegay iney masuul ka ahaayeen weerarka askartaasi badan lagu dilay sanadkii 2014.

Kooxda Daacish ayaa weeraro dad badan ay kud hinteen waxay ka geysteen dalka Ciraaq iyo Syria, waxaana bishii hore ra’iisul wasaaraha Ciraaq uu balanqaaday in ka dadajin doono dilka askarta Daacish ka tirsan ee la daldalay.

Waa askartii ugu badneydn oo dowlada Iraaq ay daldalaad ku fuliso kuwaasi oo Daacish kamid ah, inta lagu gudo jiro sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com