Maxaa loo fasiran karaa hadalka cusub ee kasoo baxay Xasan?

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa daaha ka rogay in labada Gole ee dowladiisu ka buuxan Xubno Siyaasad ahaan kasoo horjeeda Siyaasada uu ku hogaaminaayo dalka Somalia.

Xassan ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu garan karo wixii maslaxad u ah dalka waxa uuna uuna carab dhabay in cidii kasoo horjeeda Siyaasadiisa uu u aqoonsan doono qaacin qiyaano u maleegaya Qaranka.

Waxa uu tilmaamay in dowladnimadu aysan ku wanaagsaneyn khilaaf iyo in laga soo horjeesto Siyaasada dalka lagu hagaayo, waxa uuna ku goodiyay in cid waliba oo ka tirsan labada Gole ee dalka uu la xisaabtami doono waa haddii ay maslaxad u arkaan inay kasoo horjeestaan sida uu wax u wado.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahaya in cid waliba oo ka tirsan dowlada Somalia ay taageerto sida ay wax u wadaan, haddii ay dhacdo in laga soo horjeestana ay taasi ka dhalankarto dhibaato.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayuu ku booriyay inay taageeran sida uu u wado Siyaasada iminka dalka lagu hogaaminaayo, waxa uuna dalbaday inaan la muujin tafaraaruq iyo khilaaf aan sal ku laheyn Siyaasada dalka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la taageero cida loo arko inay wax kusoo biirin karto dalka Somalia oo dhowr sano burbursanaa.

Haddalka Madaxweynaha ayaa u muuqanaaya mid lagu caburinaayo Siyaasiyiinta ka tirsan dwolada ee siyaabaha kale u taageersan Musharaxiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com