26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku waxyeeloobay Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inay ahaayen dad shacab ah oo goob ka agdhaw ku shaahaayay.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan ilaa Sideed ruux oo gabi ahaanba ahaa dad shacab ah, waxaana sidoo kale jiray dad ku dhintay.

Laba kamid ah dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa la sheegay inay ku geeriyooden Isbitaalka madiina, halka tirada kale ay isugu jiraan kuwo qaba dhaawacyo kala duwan, sida ay sheegtay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Bam gacmeed lagu tuuray ciidamo goobta maraayay, hayeeshee ma jirin wax khasaaro ah oo Qaraxaasi kasoo gaaray.

Maaha Qaraxii ugu horeeyay oo noociisu yahay Bam oo goob shacab ay ku shaahayaan laga tuuro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News