Gaas oo safar si yaab leh lagu soo dhameeyey ku aadaya Turkiga

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa safar ugu ambabaxayo dalka Turkiga, sida ay sheegaan warar ay heshay Caasimada Online

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo iminka ku sugan wadanka Ethiopia ayaa wararkaan sheegayaan inuu 25 bishaan magaalada Addis Ababa ka sii aadi doono dalka Turkiga halkasoo ka heley casumaad.

“Maanta waxaan safar shaqo oo dhowr beri ah u aadi doonaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, oo aan u aadayo dhammaystirka hawlo qabyo ah oo muddo noo soo socdey oo ay ka mid tahay iskaashiga ganacsiga, Nabad-gelyada iyo ka hor tagga argagixisada labada dawladoodba ku ah dhib joogto ah.” ayaa Madaxweyne Gaas hadalkaan jeediyey markii uu kasoo dhoofayey magaalada Garowe isaga oo aan shaacin inuu jiro safar uu ku aadayo dalka Turkiga.

Madaxweyne Gaas oo horey safar kan oo kale ah ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa halkaas kasii aaday dalka Sucuudiga isagoo sheegey inuu kula kulmay maalqabeeno maalgalin ku sameynaya Puntland.

Wararka ku dhow Madaxweynaha Puntland ayaa sheegaya in qorshayaasha uu ugu ambabaxo safarada aan horey loo shaacin tahay kuwo ay soo dhameeyaan shaqsiyaad casumaadaha Ka raadsha wadamada iyo dad maalqabeeno ah.

Maamulka Puntland ayaa iminka waxaa ka taagan xaalado siyaasdeed, amni iyo dhaqaale iyadoo wararku sheegayaan iney jirto mushahar la’aan baahsan oo haysata shaqaalaha Dowlada Iyo ciidamada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa laga sugayey hab qaybsiga xildhibanada aqalka sare ee Barlamanka Federalka Somalia.

Magalaada Garowe aya sidoo kale waxaa ku sugan ergo ka socota beesha Cali Saleebaan kuwasoo wada xaajood la wadey Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu kulankaan socdey safarkii 4aad kaga tagey ergadaan magalaada Garowe oo ay ku sugnaayeen muddo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com