Maxaa ku kalifay Kenya inay gacan siiso C/rashiid Janan?

Ku Xigeenka Taliyaha Booliska Soomaaliya, Janan Sakiya Xuseen, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay 28kii Janaayo inuu xabsiga ka baxsaday Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xassan Nuur Janan. Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan dib u soo qabashada Cabdirashiid Janan.

Labo Maalmood kaddib waxaa soo yeertay in Cabdirashiid Janan uu safar dhanka badda ah ku tagay magaalada Kismaayo, isla maalintaasna uu diyaarad gaar ah u raacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Ka soo muuqashada Cabdirashiid Janan magaalada Kismaayo, waxaa ku nafisay hay’adaha amaanka ee dowladda federalka oo lagu tuhunsanaa inay khaarijiyeen.

Isla maalintii lagu dhex arkay Cabdirashiid Janan magaalada Kismaayo waxaa xilkiisii iska casilay Wasiirka Qorshaynta ee maamul-goboleedka Jubbaland Adam Ibrahim Aw-Xirsi. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa u qornaa sidan ” Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga”

Balse dad badan waxay isweydiinayaan: Sidee buu ku baxsaday Cabdirashiid Janan, yaase gacan ka geystay baxsashadiisa?

Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland Abshir Maxamed Cabdi ( Abshir Colow) ayaa ku dooday inuu Cabdirashiid Janan weli yahay Wasiirka Amniga Jubbaland, islamarkaasna maamulka Jubbaland ay ku faraxsan yihiin inuu ka baxsado gacanta dowladda, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal ahayd inuu caddeeyo gacantii ay ka geysteen baxsashada Cabdirashiid Janan, waxuuna Abshir Colow yiri “waan ka gaabsanayaa taasi,” hadalkaasoo loo fasiran karo in Jubbaland gacan ka geysatay baxsashaddiisa. (VOA January 31, 2020).

Dhanka kale, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xussen waraysi uu siiyay Idaacada Kulmiye waxuu si cad u sheegay in Jubbaland si hagar la’aan ah ugu guntatay sidii Cabdirashiid Janan xurriyadiisa dib ugu heli lahaa, taasoo ugu dambayn tiina ay Jubbaland ku guulaysatay. Sidoo kale, waxuu ka dhawaajiyay in baxsashaddiisa ay gacan ku siiyeen xubno ka tirsan dowladda iyo shacab, balse wuxuu Maxamed Xussen ka gaabsaday inuu magacaabo shaqsiyaadkaas (KNN April 02, 2020).

Haddaba waxaa jira su’aalo dhawr ah oo ku gadaaman baxsashada Cabdirashiid Janan: Maamulka Jubbaland yaa ku gacan siiyay oo ka tirsan dowladda, maxay ahayd sababta qasabtay in xabsi guri loo wareejiyo Cabdirashiid Janan 5 casho ka hor baxsashaddiisa?

Sida muuqata waxaa jiray shabakad isku xiran oo fulisay howlgal qaatay 48 saac, kaas oo ugu dambeyn suurtaggal ka dhigay in Cabdirashiid Janan gaaro magaalada Kismaayo!

Laamaha Amniga ee Dowladda Federalka Somaaliyeed waxay dadweynaha ka sugayaan jawaabo lagu qanci karo. Islamarkaasna guddiga u qaabilsan amniga gudaha Baarlamaanka waa inay kula xisaabtamaan hay’adaha ku shaqo leh amaanka! Haseyeeshee, waa in aan la siyaasadayn howlaha lagu sugayo amaanka iyo cadaalada dalka.

Maamulka Jubbaland horey waxaa lagu eedayay inuu gabbaad siiyo shaqsiyaad xadgudub xuquuqda aadanaha ka geystay gobolka Soomaalida Itoobiya xilligii uu ka talinayey Cabdi Maxamed Cumar, balse maanta waxuu u bareeray inuu gacan ka geysto baxsashada qof ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadanaha oo  weliba siiyo gabbaad.

Su’aasha kale oo dad badan isweydiinayaan ayaa ah: Dukumiint​i sidee ah ayuu sitay Cabdirashiid Janan oo ay dowladda Kenya ugu oggolaatay inuu ka​ga dego Garoonka Nairobi, dalk​eedana ku joogo!

Agaasime ku xigeenka Amnesty International ee bariga Afrika Seif Magango ayaa yiri: “Wax la aqbali karo ma ahan in Cabdirashiid Janan, oo lagu tuhunsan yahay inuu mas’uul ka yahay dambiyo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah iyo kuwo ka dhan ah bani’aadamnimada, uu isku dayo inuu ka baxsado caddaaladda”.

Seif Magango waxuu dowladda Kenya ka codsaday inay xirto Cabdirashiid Janan, islamarkaasna ​ay gacanta u geliso dowladda Soomaaliya si ay cadaalad u helaan ehelada dhibbanayaasha, laguna maxkamadeeyo dambiyada uu gaystay.

Dhanka kale, Taliska Booliiska Soomaaliya waxay Hay’adda Booliiska Caalamiga (Interpol) ka codsatay in gacan ku siiso sidii Cabdirashiid Janan loo qaban lahaa. Islamarkaasna waxay dhiggeeda Kenya ka dalbatay inay Cabdirashiid Janan ku soo wareejiso!

Kenya waxay dhagaha ka furaysatay dalabka dowladda Soomaaliya iyo kan Amnesty international. Waxay diyaarad ciidan kaga qaadday Nairobi kuna gaysay Mandheera oo xuduud la leh Gedo- Soomaaliya, waxuuna u soo tallaabay degmada Beled-Xaawo, Soomaaliya si uu halkaas uga fuliyo danaha Kenya.

Balse markii Cabdirashiid Janan uu ka war helay in ciidamada federalka ku soo wejihan yihiin Beled-Xaawo, ayna la wareegayn degmada Doolow, iyo Luuq ayuu dib ugu noqday Mandheera- Kenya.

Haddaba waxaa iska cad in maamulka Axmed Madoobe iyo Kenya ka wada shaqeeyeen, iskana kaashadeen sidii Cabdirashiid Janan uga baxsan lahaa caddaalada.

Su’aasha taagan ayaa ah: Maxay Axmed Madoobe iyo Kenya ugu  bareeraayaan khatar intaas le’eg, ayna u diiddan yihiin in Cabdirashiid Janan la maxkamadeeyo?

Falanqeeyaasha siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin in labo sababood ay ku xambaarayaan Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya oo kala ah:

(1) Cabdirashiid Janan wuxuu muddo dheer ahaa Wasiirka Amniga Jubbaland, wadashaqayn dhawna la lahaa laamaha amniga Kenya, xogo sir ah oo lagu wiiqayo qarannimada Soomaaliya ay dhici karto inuu hayo, taasoo ay ka cabsi qabaan inay si uun ugu gacan gasho sirdoonka Soomaaliya; iyo

(2) Inuu Cabdirashiid Janan uu yahay qof ay Kenya kalsooni weyn ku qabto, kana hortagi kara awooda dowladda Soomaaliya ee ku fideysa gobolka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya waa inay qaaddo tallaabooyin diblomaasi oo waafaqsan shuruucda, iyo xeerarka caalamka oo looga hortagayo faraggelinta Kenya, iyadoo la muujinayo in ​xukuumadda Soomaaliya ​aysan marnaba halis ku ahayn deggenaanshaha gobolka.

W/Q: Saciid Cabdisalaam
Jamhuriyadda.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid