Xog: Taliyaha Milateriga Gen. Odowaa oo soo diiday warqad uga timid BEYLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage, uu diiday in uu saxiixo warqad lagu fasaxayo mushaarka ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Xogta ayaa sheegeysa in warqadda uu diiday Taliyaha ay muujineysay in aan isbadal lagu sameynin mushaarka ciidamada, oo ay aheyd in sanadkaan 70% lagu kordhiyo, sida lagu sheegay miisaaniyadda sanadka 2020-ka.

General Odowaa ayaa celiyay warqadda waxa uuna dalbaday haddii aan la kordhin doonin mushaarka ciidamada ay Xukuumadda u sheegto si aysan ugu arkin in xaqooqdii la duudsiiyay, maadama hore loo iclaamiyay mushaar kordhin.

Wasiirka Maaliyadda wali kama uusan hadlin arintaan waxaana la sheegayaa in uu socdo wadahadal arrintaan ku aadan.

Dhinaca taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar, ayaa saxiixay warqada fasaxa mushaarka oo aan isbadal lagu sameynin, waxaana la filayaa in booliska Soomaaliya bishaan loo sameynin mushaar kordhintii uu balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali bixin mushaarka Ciidamada waxaana socda dooda arrintaan ku saabsan iyadoo la isweydiinayo sababta keentay in ilaa hadda aan la bixin xuquuqda ciidamada, iyo mushaar kordhintii la balla-qaaday.