Maxaa ku qoran dhambaalka ay Soomaaliya u dirtay Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dowladda Kenya iyo shacabkeedaba.

Dowladda federaalka ayaa uga tacsiyaysay dowladda iyo shacabka Kenya dadkii ku geeriyooday daadadka ka dhashay roobab mahiigaan ah ee halkaasi ka da’ay maalmihii u dambeeyay.

“Dareenkayagu wuxuu la jiraa qoysaska dhibbanayaasha ah iyo dhammaan dadka ay saameysay masiibada dabiiciga ah,” ayaa lagu yiri dhambaal tacsi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay garab taagan tahay dhiggeeda Kenya xilligan adag ee lagu jiro, iyada oo intaa ku dartay “in ay diyaar la tahay wax kasta oo taageero ah ee looga baahdo.”

Dalka Kenya iyo waddamo badan oo ku yaalla bariga Afrika ayaa waxaa maalmahan ka da’ayay roobka gu’ga, kaasi oo daadadkii ka dhashay ay sababeen qasaaro isugu jira dhimasha, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Ku dhowaad ​​60 qof ayaa ku naf waayay dhibaatadda ka dhalatay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay gudaha Kenya, markii uu karkaarrada jabsaday biyo xireen kamid ah kuwa ugu weyn dalkaasi.

Tani ayaa imaanaysa iyada oo la saadaalinayo in roobabka ay sii di’i karaan ilaa horraanta bisha shanaad ee May ee sanadkan.