Maxaa ku qornaa waraaqdii xanaaqa aheyd ee uu Farmaajo u diray Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan Magaalada Muqdisho isaga tagay safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Imaaraadka Carabta Mohamed Al-Osmani kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dowladood.

Inkasta oo sarkaal ka tirsan safaaradda uu maanta sheegay in safiirka uu arrimo shaqsi ugu laabtay Imaaraadka, haddana xogta Caasimada Online waxay sheegeysaa inuu ku baxay khilaaf ka dhex oogan labada dal, balse Imaraadkaa isku dayayaan inay qariyaan, si xiisadda loo qaboojiyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Imaaraadka Carabta u diray waraaq lagu sheegay inay aheyd dacwad ka dhan aheyd safiirkooda u fadhiyey Soomaaliya kaasoo lagu eedeeyey inuu ka shaqeenayo isku dirka dhinacyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si deg deg ah uga codsaday Imaaraadka Carabta inay kasoo jawaabaan haddii ay iyaga usoo fasaxeyn safiirkaan inuu tallabadaan isku dirka qaado.

Wararka ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Imaaraadka ka doonayo inay soo kala caddeeyaan in Mohamed Al Osmani ay Soomaaliya ugu direyn inay la sameystaan xiriir wanaagsan iyo haddii ay usoo dirsaneyd inuu Soomaaliya isku diro.

Al- Osmani ayaa lagu eedeeyey inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyey heshiiskii Imaaraadka loogu ogolaaday inay saldhig Military oo ay ka duqeeyaan Xuutiyiinta ka sameystaan magaalada Bebera oo ah meel istaraatiiji ah.

Warqaddaan dacwada ah ayaa imaaneyso Xilli Aysan weli Imaaraadka Carabta kala cadddeyn sababtii ka dambeysay inay Soomaaliya kala baxdo safiirkeeda.

Xiriirka labada dowladood ayaa aad usii xumaanayo tan iyo markii ay baarlamaanka Somaliland qalinka ku duugeyn heshiiska Berbera ee Imaaraadka Carabta loogu ogolaaday inay saldhig ka sameystaan Dakadda Berbera.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan dacwad ka dhan Imaaraadka u gudbiyey dowladda Sacuudiga mar uu halkaas kula kulmay boqorka Sacuudi Carabiya wuxuuna ka codsaday inuu soo kala dhexgalo khilaafka ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com