28.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Maxaa kusoo kordhay dagaalka wali ka socda magaalada Baledweyne?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baledweyne (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo wali ka socda xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baledweyne kaa oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubaysan.

Dagaalkaan oo ah mid labada dhinac rasaas kala duwan ay isku weydaarsanayaan Xaafadda Hawlwadaag, ayaa waxaa la sheegayaa inuu gaystay khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsanayaa Hubka culus, waxaana barakac baahsan uu ka socdaa Xaafada Hawlwadaag.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada dowladda ay isku dayeen in ay halkaasi ka dhisaan Saldhig, islamarkaana Maleeshiyaadka ay ka horyimaadeen.

Khasaaraha dagaalka ayaa la sheegay inuu gaarayo 4 dhimasho ah kuwaa oo kala taabacsan labada dhinac, halka dhaawacana uu gaarayo 8 ruux oo ay ku jiraan shacab.

Ciidamada dowlada ayaa maleeshiyaadka ka furtay hal gaari nooca dagaalka ah kaa oo la sheegay inuu soo daabulaayay maleeshiyaadka dagaalamaaya.

Sidoo kale, maleeshiyaadka ciidanka la dagaalamaya ayaa sheeganaya inay yihiin ciidamo ka tirsan Maamulka Westland, islamarkaana ku sugan xaafadda hawlwadaag.

Dhinca kale, ciidanka dowladda waxa ay dhankooda isku dayayaan in guud ahaan Magaalada Baledweyne ay ka saaraan maleeshiyaadka hubaysan ee Magaalada dhexdeeda jooga.

Caasimada Online
Xafiiska Baledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News