27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Maxay tahay sababta keentay inay Itoobiya dhismo cusub oo ay degto siiso safaaradda Somaliland ee Addis Ababa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Adis Ababa (Caasimadda Onlien) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhaqaaqday tallaabo ay ku muujineyso inay Maamulka Somaliland u aqoonsatay dal madax banaan kadib markii ay siiay dhismo cusub oo ay safaarad ka dhigtaan.

Haddaba dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa muujineyso inay arrintaan ka dambeyso kadib markii ay Somailand siisay Itoobiya 19% oo kamid ah daqliga kasoo baxo Dakadda Berbera, waxayna Itoobiya iyadoo taas ka jawaabeyso Somaliland u muujisay inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Itoobiya saami dhan 19% laga siiyay Dekeda Berbera oo lagu wareejiyay Shirkad laga leeyahay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo DP World.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo ka hadlayay saamiga Itoobiya laga siiyay Dekeda Berbera, ayaa ka hadlay halka uu ka imaanayo saamigaas, isagoo tilmaamay in DP world oo lahayd saami ah 65% laga jaray 14%, halka Somaliland oo lahayd 35% laga jaray 5%, sidaasna Itoobiya lagu siinayo 19%, waxase uu sheegay inaanay Itoobiya weli si rasmi ah qayb uga noqon maalgashiga dekedda Berbera.

Somaliland waxay horay wakiil ugu magacawday Itoobiya, kaasoo degenaa dhisme Ijaar ahaa, balse tallaabada ay Itoobiya ku siisay dhismaha cusub waxay noqon kartaa mid xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliya.

Dhismaha cusub ee dowladda Itoobiya siisay Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa ayaa ku yaalla Xaafada Bole, waxaa baraha bulshada la soo dhigay sawirka dhismaha iyo boor ku qoran afka English-ka”The Republic of Somaliland Permanent Diplomatic Mission Addis Ababa”, (Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiska Diblomasiyadda ee Addis Ababa).

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News