Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa inuu yahay qarax baabuur.
Baabuurka qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa baabuur ay saaka qabteen ciidamada dowladda oo walxaha qarxa ay ka buuxeen.
Gaarigan ayaa la sheegay inay wateen labo dhalinyaro ah, waxaana ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo daba socday ay ku hareereeyeen xaafad ka tirsan wadajir, hase ahaatee labada nin ayaa gaariga ka degay oo baxsaday.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ay toogteen mid ka mid ah raggii watay gaariga, halka mid kalena uu baxsaday.
Gaariga oo yaallay meel wado jid cade ah oo ku taal xaafada Xaawo Taako ee degmada Wadajir ayaa markii dambe qarxay, iyadoo dadkii ka ag dhowaa goobtana lagu soo wargeliyay inay ka fogaadaan gaariga qaraxa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askar ay ku waxyeeloobeen qaraxa ka dhashay gaariga ay ku hareereysnaayeen ciidamada.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyey inay qaraxa ku dhinteen ilaa 3 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda, halka ay ka dhawaajiyeen inay gacanta ku dhigeen darawalkii gaariga oo dhaawac ah.
Xaalada degmada Wadajir ayaa saaka aheyd mid kacsan, hase ahaatee waxaa markii dambe ay xaalada ku soo laabatay mid caadi ah, markii gaarigu qarxay.

