Maxaa kusoo kordhay faragalinta uu Michael Keating ku sameeyay Khilaafka DF iyo BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, kaa oo ka dhashay Mooshin ay Xildhibaanada kasoo gudbiyeen Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii Guddoomiye Jawaari uu iska fogeeyay eedeymo ka dhanka ahaa ku dhaqanka Dastuurka, waxaana la sheegay in Dastuurka uu ka dhigay ‘’lajiifshaa banaan la joojiyaa banaan’’.

Khilaafka oo gaaray heerkii ugu xumaa ayaa waxaa xalintiisa u kacay Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxaana arrintaas ku hormaray Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramda Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Ergayga Michael Keating, ayaa la sheegay in khilaafka taagan uu si hordhac ah kala hadlay Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Michael Keating, ayaa Jawaari u sheegay inaanu xalka Somalia aheyn in la abuuro xaalado colaadeed oo ka dhex dhasha labada Gole ee dowlada.

Michael Keating, waxa uu Jawaari u sheegay in Beesha caalamka aysan ka raali noqon doonin Khilaaf iyo is jiidjiid xiligaan ka dhex dhasha labada Gole, gaar ahaan Xildhibaanada iyo Guddoonka sare ee baarlamaanka.

Nuqul kamid ah haddalka Michael Keating ayaa ahaa ‘’Waa arrin aan fileynin inuu ku dhaqmikaro baarlamaanka hadda jira oo aan isleenahay wey ka duwanyihiin kuwii hore, waxaan dooneynaa in si dhab ah loo xaliyo khilaafka, waa in ka guddoomiye ahaan qiimo gaara siisaa dalabkeena ku aadan in xal laga gaaro mooshinka’’

‘’Ma fileyno inaad ku gacanseeri doonto soo jeedinteena waxaana dooneynaa in lagu dhaqsado xalinta khilaafka jirta, waayo waxa uu khilaafkaan noqday mid ka duwan kuwii hore’’

‘’Adduunku raali kama noqon doono in Somalia dib loogu celsho halkii ay kasoo dhaqaajisay sanado badan ka hor, waxaan ku rajo weynahay inaad naga aqbali doontaa baaqeena’’

Guddoomiye Jawaari ayaa Mr Michael Keating, u ballanqaaday inay la imaandoonaan xal, si looga fogaado in Somalia ay dib ugu laabato halkii ay kasoo tagtay, waxa uuna u xaqiijiyay in taa uu ka doorbidi doono inuu muujiyo tanaasul.

Docda kale, Is araga Guddoomiye Jawaari iyo Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya xili dhammaan wakiilada Beesha Caalamka ee Somalia ay qeylo dhaan kasoo saaren Khilaafka labada dhinac ee sii butaacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com