Xog: Kheyre oo Mooshin wadayaasha faray inay horgeeyan golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno xafiiska Kheyre ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu soo dhaweeyay go’aanka uu Guddoomiye Jawaari ku codsanaayo in Mooshinka la horgeeyo Golaha Shacabka.

Ra’isul wasaare Kheyre oo Xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa ka dalbaday in la fuliyo codsiga uu Jawaari ku dalbaday in Mooshinka 10 maalmooda gudahooda lagu horgeyo Golaha Shacabka, si xeer hoosaadka loo ilaaliyo.

Kheyre waxa uu Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ku wargaliyay inay muhiim tahay in mar waliba la dhowro Dastuurka dalka isla markaana laga dhabeeyo dhaarta lagu dhaartay Kitaabka.

Waxa uu Kheyre, Xildhibaanada u cadeeyay inaan loo dulqaadan doonin qalad dhanka Dastuurka ah, sidaa aawgeed Xildhibaanada laga doonaayo in Mooshinka ay horgeeyan Golaha Shacabka si dastuurka loo mariyo eedeymaha lagu heysto Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in shaqsiga sida tooska ah dagaalka kula jira uu yahay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, hase ahaatee uu doonaayo in lagu kala baxo sharciga.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa xiligaan u kala dabqaadaaya Xildhibaano iyo Wasiiro ka kala tirsan labada Gole.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com